March 1, 2010
Ugaaska Cusub ee Beesha Ciisaha oo Si Diiran Saylac Loogu Soo Dhaweeyay.
Saylac (Harowo) - Ugaaska Cusub ee dhawaan Beesha Ciisuhu dooratay Ugaas Mustafe Ibraahin Ugaas Wacays oo ah ugaaskii 19aad ee beeshaasi yeelato ayaa maanta soo gaadhay magaalada Saylac halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha ayaa markii uu ka soo talaabay xadka kala qaybiya Somaliland iyo Jabuuti waxa magaalada Lowyo cado si diiran ugu qaabilay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu hor kacayay wasiirka arimaha gudaha Md. C/laahi Ismaaciil Cali, ayna ka mid ahaayeen wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waabari Rooble, wasiir ku xigeenka warfaafinta Md. Cali Cilmi Geele, Gudoomiyaha Gobolka Selel…
Mayerka Degmada Saylac, xildhibaano ka tirsan golayaasha Qaranka Somaliland, Madaxdhaqameedyo iyo dadweyne aad u tira badan.
Wafdiga Ugaaska Beesha Ciisaha oo dhinaca jabuuti ay ka soo galbiyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Djibouti oo ilaa shan wasiir ku jireen iyo madaxdhaqameedyo tira badan ayaa markii uu soo gaadhay Somaliland si diiran loogu soo dhaweeyay.
Dhinaca kale Magaalada Taariikhiga ah ee Saylac ayay maanta u ahayd jawi aad uga duwan maalmihii iyo sabanadii ugu danbeeyay ee Magaaladaas, dadwaynaha ku dhaqan magaalada ayaa ku waabariisatay saaka farxad, iyo damaashaad ay ku muujinayaan soo dhawayn ugaaska Ciisaha, barqanimadii ayaa masuuliyiin ka socda xukuumada Somaliland iyo dadweyne badan oo ku sugnaa Saylac ay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti gaar ahaan magaalada Lowyo cado, u diyaar garoobeen qaabilaada iyo soo dhawaynta ugaaska cusub ee beesha ciisuhu dhawaan dooratay, Ugaas Mustafe Maxamad Ibraahim Ugaas Wacays oo maalinta bari ah lagu caleemo saari doono Magaalada Saylac.

Ugaaska beesha ciise oo tan iyo bishii jenauray ee sanadkan markii lagu doortay degaanka mile ee Diridhaba socod ku soo marayay dhulka ciisuhu dago, waxaana maanta markii uu soo gaadhay lawya cado halkaa ku qaabilay, wasiirada Arimaha gudaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska, xildhibaano, madax dhaqameedyo iyo dadweyne aad u tira badan kuwaas oo sii diiran halkaa ugu soo dhaweeyay.
Sidoo kale waxa ugaaska la socday wasiiro, masuuliyiin iyo dad tira badan oo ka soo raacay jabuuti, ugaaska ayaa soo dhawayntiisa wax yar ka dib loo galbiyay degaanka ugaas lagu boqor ee dooxada bariisle halkaas oo timaha lagaga soo xiiray, sida beesha ciisuhu aminsan tahayna ah meel ugaaska ciisaha la soo mariyo.
Maalinta bari ee isniinta bisha marsna ay kow tahay ayaa lagu caleemo saarayaa ugaaska Magaalada Saylac, waxana halkaa ku sugan masuuliyiin iyo madax dhaqameedyo ka socda beelaha iyo dalalka somaliland, ethiopia iyo jabuuti.
Ugaaska 19aad ee ciisaha Mustafe maxamed Ibraahin ugaas cismaan, waxa uu ku dhashay Magaalada Diri Dhaba (Itoobia) sanadkii 1992. Waxana uu ku Barbaaray isla Magaaladaasi halkaas ayuu ka bilaababay Waxbarashadiisii Aasaasiga ahayd Dugsiga Xaaji Cali . Dabadeed waxa oo uu uga gudbay Dugsiyada kale ee ku yaala Diri Dhaba oo uu dhiganayey Fasalka Toddobaad.
Caleemo saarka Ugaaska Ciisaha ayaa loo diyaariyay tendho aad u wayn oo lagu wado in dad tira badani ka soo qayb galaan, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Ismaamulka Somalida ethiopia ka socda, madax dhaqameedyo iyo dadweyne tira badan oo ilaa sadex kun lagu qiyaasay.

Harowo Desk Somaliland
