March 1, 2010

Saylac Oo Noqotay Goob Madaxdii Ugu Saraysay Beesha Caalamka ee Somaliland Booqasho Ku Yimaada Kulmisay.

Saylac Ka Wayn Mid Noqota Hangool, Maalinta Hawleed La Tabo..

saylac-small Saylac (Harowo) - Magaalada Taariikhiga ah ee Saylac oo qarniyo hore ahaan jirtay meel xadaaradaha dunida iyo baayacmushtariga gobolka Kulmisa, balse hajiraad dadkeedu kaga tageen iyo dagaalo dhinacyo badan kaga yimi  ku keeneen inay cidlo iyo meel laga guuray noqoto, ayay todobaadkii u danbeeyay u ahayd caruus iyo nolol cusub oo soo xasuusinaysa shabaabnimadeedi.

Magaalo taariikheedka Saylac waxay maanta oo kaliya marti galisay masuuliyiin ka kala socota geeska Africa kuwaas oo Somaliland kala masuugay in booqasho ay ku yimaadaan si iskood ah, si kastaba ha ahaatee waxa maanta Saylac ku kulmay Raysal wasaaraha dawlada Jabuuti iyo rubuc ka mid ah dawladiisa, waxa kale oo joogay masuuliyiin sar sare oo ka socda ismaamulka Somalida Ethiopia iyo dawladda Federaalka ah ee Ethiopia.

Socdaalada Masuuliyiintan ayaa ahaa kuwo ujeedadoodu ahayd ka qayb galka caleemo saarka Ugaaska 19aad ee beesha Ciisaha Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin Ugaas Wacays oo maanta lagu caloomo saaray magaalada Saylac.

Magaalada Saylac ayaa ahayd wakhtiyada qaarkood muraayada geeska Africa isla markaana lahayd maqaam sare oo dunida ah, magaalada Saylac waxay ahayd magaalada taariikh yahanadii dunida soo maray intooda badani aanay seegin inay sifeeyaan, degaanka ay juqraafi ahaan ku taal iyo ahmiyadeeda istaraatijiyadeed ee ay leedahay.

Saylac inkastoo aad arkayso dayac dadkeedu u gaystay iyo maamuladii soo maray mandiqada oo aan u arxamin hadana waxay wali muujinaysaa inay tahay hooyo si kastana u adkaysan karto ilaa inta dadkeedu u adkaysanayaa, runtii waxa qof walba maanta is waydiinayay muuqaal arooseedka loo gimgimay maanta iyo sida loo soo dul buuxshay maxay u tari doonaan Saylac?

Jawaabta su’aashaas oo qof walba si iskii ah uga jawaabi karo, hadana ogsoonow inaan Saylac u baahnayn magac iyo buun buunin balse ay u baahan tahay wax qabad iyo cid taariikhdeedi soo noolaysa, diifta iyo darxumadana ka maydha, sidoo kale Saylac Maaha Hangoolkii Maalinta Hawleed la tabi jiray.

saylac

saylac-1

Faysal Maxamed Xassan

Reporter Harowo.com Somaliland.

Email: daralla06@yahoo.com

Login