March 31, 2010
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Iyo Madaxda Dhaqanka Ee Awdal.
Boorama (Harowo)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdigii uu hogaaminayay oo wali ku sugan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa kulamo gooni gooni ah la kala yeeshay masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka Awdal iyo Hogaamiyayaasha Dhaqanka. Kulamadan oo sida Madaxweyne Rayaale Sheegay ahaa kuwo uu ku ogaanayo xogta dhabta ah ee laamaha dawlada sida ay u shaqeeyaan, waxyaabaha u qabsoomay, kuwa ka qabyada ah iyo sii horumarintooda waxa ka soo qayb galay dhamaan masuuliyiinta laamaha dawladda ee kala duwan.
Boorama (Harowo) - Allaha u naxariistee waxa maanta si heer qaran ah Magaaladda Boorama loogu aasay Marxuum Maxamed Xassan Mataan oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska, kaas oo Maydkiisa lagu keenay diyaarad khaas ah, oo ka soo qaaday Dalka Ingiriiska, halkaas oo la bud dhigay Qabuuraha Seeraha ee Magaaladda Boorama. Aaska Marxuumka oo si wayn looga soo qayb galay waxa aan u kala hadhin dhamaan qaybaha kala duwan ee Siyaasada iyo bulshada Somaliland oo dhamaantood ku sugnaa Aaska Marxuumka. Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Marwada koowaad Huda Barkhad Aadan, Xubno Wasiiro ah, Masuuliyiin sar sare oo ka socda golayaasha Baarlamaanka (Wakiiladda iyo Guurtidda)..
March 30, 2010
Taageerayaashii Ugu Miisaanka Cuslaa Xisbiga Kulmiye Ee Gob. Gabilay Oo Xisbiga Udub Ku Biiray.
Harowo (Gabilay) - Xaflad aan nooceeda hore loo arag ayaa maanta lagu soo dhaweeyay tageerayaashii ugu miisaanka cuslaa ee Xisbiga Kulmiye ku lahaa Gobolka Gabilay oo Xisbigaas ka baxay, kuna biiray Xisbiga UDUB. Xaflad balaadhan oo taageerayaashaa lagu soo dhawaynayay ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga Md. Abiib Xassan Filfil, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Gud. Kaambaynka xisbiga Cismaan C/laahi Cigaal (Hindi), Gud. Gobolka Gabilay, Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib), Guddomiyaha Golaha Deegaanka Aadan Muxumed Badde, madaxda iyo masuuliyiinta UDUB ee Gobolka Gabilay iyo taageerayaasha cusub madaxdooda iyo qaybahooda kala duwan, hadaba hoos ka dhegayso hadaladii masuuliyiinta xisbiga UDUB ka jeediyeen xafladaas.
Get Flash to see this player.
March 29, 2010
Hoos Ka Dhegeyso Qaybtii Labaad ee Su’aalihii Jaaliyadda Washington Iyo Jawaabihii Waftiga Somaliland Ka Bixieen.
Get Flash to see this player.
Washongton DC (Harowo) - Wax yar ka dib dhamaadkii xaflad lagu soo dhaweyey waftiga ka soday dawladda Somaliland oo isugu jiro wasiiro ka soo jeeda xukuumada Somaliland iyo xidhibaano ka tirsan golayaasha sharci dejinta, ayaa la boobay su’aalo is dabjoog ah, kuwaas ay xubno ka tirsan jaaliyadda ugu talo galeen inay dhuunta kaga lisaan waftiga, gaar ahaan wasiirada ka socday xuluumadda Somaliland, wasiiradaas oo iyaga naftoodu aad mooday inay diyaar u ahaayeen sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen. Si kastaba ha ahaate dhamaadkii shirka ayaa lagu kala tegay farxad iyo sagooti wacan, iyada oo aad moodo inay ruux walba oo wax gocanayay ba laga qanciyey. Hadaba hoos ka dhegeyso qaybtii hore ee su’aalaha jaaliyadda iyo jawaabihii laga bixiyey.
Get Flash to see this player.
Interview with Somaliland’s Foreign Minister: Lack of resources is eroding our influence on regional stability.
Somalia is suffering on many fronts. The transitional government is engaged in an ongoing conflict with radical Islamists who risk turning the country into a haven for Al-Qa’ida inspired groups. The Horn of Africa nation is afflicted by a dire food shortage, inflation and a spate of piracy. But as Somalia continues to wallow in violence, some eye a solution in Somaliland, a relatively quiet and stable autonomous region in the north of the country which, while it has not been recognized internationally as a country, is considered a de facto state.
Gabiley (Harowo) - Xubno miisaan culus ku lehaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye oo uu hor kacayey Imaamul Baladka Magaalada Gabiley Mukhtaar Sheekh Muxumed Warsame ayaa maanta Xaflad si wayn loo soo agaasimay, kaga baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye uguna diga rogtay Xisbiga UDUB . Xafladan oo si wayn uga duwanayd xafladihii hore Loogu qaban jiray taageerayaasha ka soo baxa Axsaabta Mucaaradka ah iyagoo xubnaha Kulmiye ka baxay cuskanayey laba qodob oo kala ah:
Harowo, (Boorama) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galinkii danbe ee maanta gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wafdigan Madaxweynaha oo soo galay magaalada Boorame xili dadka intiisa badani aanay ogayn ayaa ka koobnaa xubno ka tirsan dawladda iyo marwada koowaad Marwo Hudda Barkhad Aadan.
SALAAMU CALAYKUM dhamaan shacbiga Somaliland iyo shabakadaa bilaa naxliga ku tabiya wararka sida Hadhwanaag iyo Oodweyne oon u bogay wax-qabadkooda intaas hadaan ka gudbo, horta aduunyada waxaad moodaa in ninkastaaba rabo wixii uu jecel yahay in loo raaco ha xumaado ama ha wanaagsanaadee. Hadaba Qoraalkaygani waa mid ku qotoma soo hadal qaadka Gudidii La Fanashay ee hore masuulka uga ahayd Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa (Dhakhtarka Weyn).
Khadbaddii Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Maxamed San-Yare

Get Flash to see this player.
Khudbaddii Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Cismaan Sh. Maxamed

Get Flash to see this player.
Khudbaddii Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale

Get Flash to see this player.
Washington DC ( Harowo) - Wafti ka socda Somaliland isugu jira 3 xubnood ee ay ka kooban tahay dawladda Somaliland, kuwaas oo ka ah waaxda fulinta (Exexutive) iyo Labada gole ee sharci dejinta sida (Golaha Guurtida Iyo Golaha Wakiilada) ayaa caawa huteel ku yaal duleedka magaalada Washington kula kulmay dadweyne fara badan oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee (Mero Washington), halkaas oo ay ka dhacaday xaflad balaadhan oo la isku arkay. Waftiga ayaa jaaliyadda siiyey xog waran qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, halka xubno jaaliyadda ka tirsanina ay su’aal ka weydiiyeen waftiga xaaladda dadlka marayo iyada oo gooni gooniya wasiirada ka socda xukuumadda loo weydiinayey su’aalo la xidhiidha xilka ay shacabka Somaliland u hayaan.
Waxa xafladan soo agaasimay, isla markaana si qurux badan u daadahaynayey wakiilaka Somaliland u Fadhiya Magaalada Washington DC DR. Sacad Sh. Cismaan Nuur. Hadaba Hoos Ka Dhegeyso Qaybo ka MId ah Hadaladii qaar Ka Mid ah Xubnaha Waftiga.
Soo Dhaweyntii Waftiga ee Wakiilka Somaliland Sacad Sh. Cismaan Nuur
Get Flash to see this player.
After the ugliest marriage of Somalia and Somaliland was over 90s, there are emerged a tiny province proclaimed itself Puntalnd . It founded a bunch of criminals, remnants of ex-regime and pirates. Literary, it used to be fishermen sea port, but turn out a sin city now. Although, there are many decent people, but drug-deals, sex-traffickers, pirates and rapists have more power than them. Even so, everybody anticipated to be a pirate one day, because the pirates are role model for new generation and they are getting married, taking care families with ransom money from ships, tankers, yachts and food distribution trucks leased by world food.
Waxan la isla dhexmarayaa in odayaasha Samaroonka ee Mineapolis degani ay qaadaceen Shirka lagu tilmaamey TOL-CONVACTION. Markii an u kuur galay arintaas waxaan ugaanay in ayna odayadu diidin shirka ee ay ka biya diideen sida loo maamulaayo. Shirka waxa markii hore loogu tala galay in lagu habeeyo arimaha Samroonka hase yeeshe waxa afdoobay dad is bidaayaa in dadka ay ka aqoon badanyihiin, ka siyaasisan yihiin, ka maskax fiican yihiin, ka aragti dheeri yihiin.
Inta aanan hoos uga daadagin dulucda maqaalkayga waxaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii iyo Eheledii uu ka baxay gaar ahaan Xaaskiisii Khadra Cawaale Bustaale iyo caruurtiisii sidoo kale dhamaan Reer Xasan Mataan meelkasta oo ay joogaanba ALLAAH samir iyo iimaan ha idinka Marxuum MAXAMED XASAN MATAAN. Sidoo kale waxaan iyana ka tacsiyadaynayaa bulsho waynta Somaliland gaar ahaan Awdal/Salal. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Marxuumka ma soo koobi karo taariikhdiisii qalinkana umaan qaadan inaan halakan ku soo koobo, waxaanse xasuusinayaa dadwaynaha Somaliland gaar ahaan Awdal wax yar iyo in si wadajira Marxuumka loogu duceeyo loo akhriyo Quraanka taasi oon filaayo maalmaha soo socda IN SHA ALLAHU TACAALAA aaskiisu ka dhici doono magaalada Boorame.
Hargeysa (Harowo) - Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo hogaaminayay wafdi xisbiga UDUB ka socday oo masuuliyiin beesha caalamka ah kulamo kula soo yeeshay dalalka Kenya iyo Djibouti ayaa ka waramay socdaalkooda iyo masuuliyiintii ay labada dal wada hadalka kula soo yeesheen. Socdaalka wafdiga UDUB oo qayb ka ahaa marti qaad xisbiyada Somaliland masuuliyiin sar sare oo Maraykan ahii ugu fidiyeen magaalada Nairobi si ay xog waran uga siiyaan hawlaha u diyaar garowga doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haya. Hadaba hoos ka dhegayso hadaladii xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Gud. Xafiiska Siyaasada Xisbiga Cumar Jaamac iyo su’aalihii saxaafadu waydiisay.
Get Flash to see this player.
Sawirada Madaxa Udub Hoos Ka Daawo More


