February 24, 2010
Teresa Krug Shares About Life in Somaliland
My mornings begin with a classroom of 14 freshmen. Together we rehearse the different parts of speech, review capitalization, and spend time with famous literary characters. My students face me in dark blue uniforms, and I instruct in a hideously flowered ‘teacher dress.’ This scene closely resembles any boarding school classroom in the United States, save one notable part: my hair and exposed neck are wrapped in brightly colored scarves.
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md. Axmed Cali Ubaxle, ayaa jawaab kulul ka bixiyay isla markaana war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay war ku soo baxay Wargeyska Madaxa Banaan ee Ogaal oo ka soo baxa magaalada Hargeysa uu maanta qoray, wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay sawirka wasiirka oo warkaa ku qornaa kaas oo uu ku tilmaamay wax aan is lahayn.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAJACUUN: Bahda Harowo.Com waxay baroordiiq tiiraano leh u diraysaa, dhamaan Reer Cumar Qaadi iyo Qoyskii iyo Eheladii uu ka baxay Marxuun Maxamed Axmed Maxamed kuna magac dheeraa (DIIGOOL) oo bishu markay ahayd 02/23/2010 ku geeriyooday Magaalo Hargaysa. Waxaan ILAAHAY uga baryaynaa marxuunka in ILAAH geeyo Janatul Farduusa, intii uu ka baxayna uu EEBE samir iyo iimaan ka siiyo dhamaantood. Amiiin…Aamiiin…Aamiiin
Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun: Anigoo ah suldaan Muumin suldaan Caateeye suldaan Faahiye, kuna hadlaya magacayga, magaca qoyskayga, magaca reer Suldaan Caateeye Suldaan Faahiye, magaca suldaanka guud ee beesha Maxad case suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ,waxaan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa Maxamed Aadan Ducaale (Candha-Goo) oo ku nool magaalada Ottawa ee dalka CANADA. Annaga oo ka tacsiyadaynayna geerida kutimid wiilkiisii Farxaan Maxamed Aadan oo dhawaanta kugeeriyooday dalka CANADA. Waxaan ilaahay uga baryaynaa marxuumka, inuu janadii ka waraabiyo, dhamaan intii uu kabaxayna sabir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin
Mental health is a very real and difficult issue which many in society face. Mental health concerns how those with mental illness think, feel and consequently behave. According to the National Health Service (NHS) of Great Britain one in four people in the UK have a mental health problem at some point in their lives that affects their daily life, relationships or physical health. The simple fact is that mental ill health is not exclusive to one group or people within society and it is not linked to any individual characteristic or personality traits.
Baryahan waxa inagu soo kordhay kalmad siyaasadaysan taasoo ah: IS-BEDEL DOON ama garab ha noqdaan ama gacanta IS-BEDEL DOONKA ha la baxaane. Nuxurka aan u dagee, IS-BEDELDOON waynu garanaynaa inay tahay Marxalad Qadhaash oo lagu jiro taasoo habdawladeed lagu doonayo in looga guuro Marxalad Lagu Reeyo waanay noqon kartaa in xitaa Halgankii SNM uu ahaa IS-BEDELDOON aynu kaga tirtiraynay dalka maamulkii dhiigya-cabka ahaa ee Siyaad Bare sidaasi la’ajligeed wuu noqon karaa isbedelku mid horumarineed iyo mid halganba.
Tan iyo intii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay 1991 ayaa waxaa isasoo taraayay halgan balaadhan oo muwadiiniintu ku waajahayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen noloshoodii ay halakeeyeen dagaaladii qadhaadhaa ee lala galay taliskii kaladii taliyaha ahaa ee siyaad barre, Kaas oo dadka reer Somaliand baday inay waayaan waxyaabihii nolosha bini’aadamku ku tiirsanaynd Sida nolosha aasaasiga ah (basic needs) iyo waxbarasho iyo wixii ay ku ahaayeen daljira.
Hargeysa (Harowo) - Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntooda cod aqlabiyada ah ku ansixiyay xubnaha cusub ee Gudida Joogtada Golaha oo hore muran uga dhashay, awgii goluhu u xidhmay, si wayna uu ugu kala jabay. Guddida joogtada ee cusub oo lagu soo dhisay hab shir gudoonka Gudoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen isku waafaqsan yihiin ayaa ka danbaysay go’aan gudi xalinta khilaafkan goluhu hore ugu saaray soo go’aamiyeen. Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo gudoominayay fadhiga maanta ayaa sheegay in go’aankan ay shir gudoon ahaan isku waafaqeen mudanayaashana cod ka doonayaa, ka dibna waxa uu cod u qaaday markii gudoomiye ku xigeenka labaad akhriyay magacyada gudida joogtada ah, taas oo 55-mudane mid ka aamusay, hal mudane uu diiday gudoomiyuhuna aanu codayn, hoos ka dhegayso, Gud. Saleebaan, Gud/kuxigeenka 1aad Sh. Axmed Nuux Fure iyo guud ahaan jawigii fadhiga maanta.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo) - Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo xubno kale oo culimada waaweyn ee Somaliland ah ayaa si kulul u naqdiyay culimada iyo dadka diidan xuska Dhalashada Nabigeeni Muxamed (NNKHA) waxaanay dadka ugu baaqeen in aanay dheg jalaq u siin. Hadaba xildhibaanka iyo wasiirkii hore ee diinta iyo awqaafta Sh. Aayatulah iyo xubno kale oo Tv-ga qaranka caawa ka hadlay ayaa soo bandhigay daliilo badan oo diinta islaamku ku jidaynayso xuska Dhalashada Nabiga, waxaanay cidii haysa wax lagu hor istaago ka dalbadeen in garoonka uu is keeno, hoos ka dhegayso Xildhibaanka iyo culimada kale.
Get Flash to see this player.
Introduction: What was known as British Somaliland cease to exist. The first Somali territory freed its self from the shackles of colonialism. 1 July 1960, what was known as Italian Somaliland became free and merged with former British Somaliland to form an independent Somali nation-state. The political agreement between the two former colonies and the structure of governmental power, established the foundation for failure. The authoritarian regime of Siad Barre further exacerbated the predestined faith of the Somali nation-state. If you build your house on an extremely weak foundation, any minor occurrence by nature can have your house ruined. The same goes for nation-states, hence, why after a regime falls, some nation-states stay intact while others become utterly ruined. The foundation established in 1960 (and subsequently 1969, Barre’s coup) is to blame for the destruction of the Somali nation-state.
Laas-caanood (Harowo) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool ku sugan ayaa fashiliyay weerar gaadmo ah oo koox maleeshiyo ka tirsan Puntland saaka aroortii ku soo qaadeen fadhiisinka ugu horeeya ee ciidanka. Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee dagaalka ayaa intaa ku daraya in ciidamada qaranku caabin kulul kala hor tageen weerar dhuumasho ahaa, oo ciidan beeleedka Puntland ku soo qaadeen saldhiga hore ee ciidanka qaranka, kooxdan maleeshiyada ah ee reer Puntland oo watay lix gaadhi oo tigniko ah, ayaa ku soo dhex dhuuntay gawaadhi kolonyo ah oo raashin hay’adda WFP u geeyay gobolada dhexe ee Somaliya.
Burco (Harowo) - Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo gaadiidka Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta xadhiga ka jaray biriish cusub oo loo sameeyay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Kaas oo mudo dheer oo dhismihiisu socday ka dib maanta loo baneeyay in gaadiidka iyo dadkuba isticmaalaan. Bariishkan oo ku biiraya tiraba biriishyo dhawr ah oo dadka reer Burco samaysteen, waxa dherarkiisa lagu sheeay 40-mitir, halka balaciisuna ka yahay 10-mitir, waxaanu dhismihiisu socday mudo sanad ku dhow, taas oo lacagta ku baxday ay bixisay shirkada Dahabshiil.
February 21, 2010
Xoghayaha Guud Iyo Gudoomiyaha Kaambaynka Xisbiga UDUB Oo Ka Waramay Socdaalkoodi Gobolada Iyo Wixii ay Ku Soo Arkeen.
Hargeysa (Harowo) - Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB iyo Gudoomiyaha Kaambaynka ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Md. Cismaan C/laahi Cigaal (Hindi) ayaa shir jaraa’id oo ay maanta wada jir ugu qabteen xarunta guud ee xisbiga UDUB ee magaalada Hargeysa kaga waramay socdaalkoodi xaqiiqa raadinta ahaa ee ay ku soo mareen gobolada dalka. Labada masuul waxay si wayn uga warameen xaalada guud ee meelihii ay soo mareen sidii dadweynaha ku nooli u qaabileen, nidaamka dawladu sida uu uga hawl galo, waxa u qabsoomay waxa ka dhiman iyo xaalada nololeed ee dad iyo duunyo, waxa kale oo shirkaa jaraa’id ku sugnaa masuuliyiin tira badan oo xisbiga ka tirsan. Hadaba hoos ka dhegayso hadaladii masuuliyiintaas oo dhamaystiran, waxaana hadalka u furaya gud. Abaabulka iyo wacyi galinta xisbiga Md. Maxamuud Cabdi Malow.
Get Flash to see this player.
Saxaafada somaliland si aad ah ayey uga hadashay soo dhaweyntii wafdiga xoghayaha guud ee xisbiga Udub Mudane Jamac Yasiin. Inta badan saxaafadu waxay ku sheegtay soo dhaweynta reer Hargeysa u sameeyeen wafdiga mid sheeko reeb ah oo aan hore loo arag. Saxaafadu waxay sheegtay in kumanaan iyo kumaan dadweynaha reer Hargeysa ah oo wata boqolaal gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweyn isugu jira oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka astaanta u ah xisbiga Udub inay safaf u taagnaayeen maalintii oo dhan min tuulada Halleeya ee duleedka magaaalada Hargeysa….
Waligeedba nin abaal guda iyo nimaan gudinba way kusoo noolayeen dunida, waxa maanta Kulmiye ku jiraa abaabulkii ugu miisaanka waynaa ee uu ugu talo galay soo dhawaynta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe taasi oo ah shuruud iyo axdi ay wada galeen labada xisbi mucaarid kuna salaysan Elementary maths 1+1=2 Adna markaaga Anna markayga. Sababtu waa maxay? Waxa xadhkaha goostay oo isu badalay Bad Weynta marakiibta Culus dajisa Xisbiga UDUB kaasoo 4-tiisa albaaba u furan yihiin cidkasta oo ku abtirsata Somaliland-nimo. Xisbigan ayay mucaaridku u arkeen mid la nacay taasoo beenawday markii ay masuuliyiinta sare ee xisbiga UDUB:
Hargeysa (Harowo) - Munaasibad aad u ballaadhan oo lagu xusayey sannad guuradii 28-naad ee ka soo wareegtay maalintii ay ururkii UFFO dhagex kala hortageen ciidankii taliskii Siyaad Barre ee sannadkii 1982-kii, ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyada ee caasimada Hargeysa. Xuskan oo ay soo agaasimtay dallada ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, isla markaana ay soo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan Golaha wasiirada ee xukumada Somaliland, Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran, Xildhibaano, Aqoonyahano, Madaxda dallada SONYO, Dhalinyaro iyo marti sharef kale oo faro badan.
Waxaan halkan hambalyo iyo duco uga gudbinaynaa Meherka Axmed Ugaas Cimaan Ugaas Doodi Ugaas Rooble iyo Marwo Riyaaq Abdilahi Takhal Waxa aan leenahay noqda kuwii isku waraara oo ubad khayr qabana kala hela aamiin aamiin aamiiiin.
Annagoo kala ah: More
February 20, 2010
Tahniyad iyo Hambaliyo

Ugaas Cismaan Ugaas Dooddi Ugaas Roble, xaaskiisa iyo caruurtiisa waxay tahniyad iyo duco u dirayaan Ugaas Axmed Ugaas Cismaan Ugaas Dooddi iyo Riyaaq Cabddillahi Takhal oo isku guursaday Magaalada Jigjiga. Waxa kale oo tahniyadda diraya :
Ugaas Cabddirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.
Ugaas Mustafe Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.
Xasan Faarax Warfaa iyo xaaskiisa Zeenab Faarax Good. More
CONGRATULATIONS FOR YOUR OFFICIAL ENGAGEMENT TO THE GIRL WHO UNLOCKED YOUR HEART FOR LOVE, RIYAAQ ABDILLAHI. WISH YOU AND HER THE BEST OF LUCK AND A BRIGHT FUTURE.
YOUR UNCLE - ABDULAZIZ.
For many, mention of Somalia conjures images of a smoldering Blackhawk helicopter and AK-47-wielding pirates loaded onto an antique skiff. hat may not come to mind as quickly is the idea that the tipping point for Somalia’s downward spiral into an international no-go zone may have come decades before U.S. troops landed on a Somali beachfront in the mid 1990s. It may have come during the regime of military dictator Siad Barre. Barre and the men under him have been accused by the United Nations of committing horrific war crimes throughout the ’70s, ’80s and early ’90s that the country is still reeling from.
