February 28, 2010

Roobab Culus Oo Ka Da’ay Burco Iyo Berbera Oo Khasaare Naf Iyo Maalba Leh Geystay.

daad-small Burco (Harowo) - Roobab laxaad leh oo maalmihi ina soo dhaafay ka da’ayay meelo ka mid ah gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco ayaa gaystay khasaare dhimasho ah, kaas oo ka dhashay daadad calculus oo roobabkaasi soo rogeen. Sida wararka laga helayo magaalada Burco ay ku waramayaan, hal qof ayaa ku dhintay daad qaaday kaas oo maydkiisana saaka aroortii hore laga helay meel toban km magaalada u jirta oo uu dadku kaga tagay.

Marxuumka Daadku la tagay oo la odhan jiray, Marxuum,Saleebaan Ducaale, oo lagu naanaysi jiray, (Biyoolle) ayaa daadku qaaday xalay cawayskii oo uu xaafadiisa ku socday kana talaabayay dooxa way nee magaalada Burco dhex mara.

Raxmaadka Alle oo meelo badan oo dalka ah ka da’ay ayaa sidoo kale magaalada Xeebta ah ee Berbera ka gaystay khasaare dhinaca dhismaha ah, sida wararka ka imanaya magaalada Berbera ay sheegayaan, guryo badan oo ku yaala xaafada qadiimka ah ee Daaroole ayaa ku dumay, halka qaar kalana khasaare ka soo gaadhay roob culus oo mudo dhawr sacadood ah ka da’yay magaalada Berbera.

Sida dadka ku dhaqan magaalada Berbera sheegeen roobkan ayaa ahaa kii ugu waynaa ee magaaladaas ka da’ mudo dhawr sanadood ah, waxaanu roobkaasi ka tagay biyo aad u badan oo uu gudaha magaalada ku soo rogay, saacado badan ayaa isu socodka gaadiidka iyo dadku xayirnaayeen magaalada Berbera gudaheeda.

Roobabka gu’ga ayaa ka dayay meelo badan oo dalka ah maalmihii ugu danbeeyay, waxaanu roobku ugu sii xoog badnaa degaanada xeebta u dhow ee dalka gaar ahaan dhinaca xeebta galbeed ee Saylac, Lughaya iyo banka giriyaada oo baabuur badani ku xaniban yihiin.

Guud ahaan roobabkan ayaa lagaga qabowsaday jilaal iyo abaar ba’an oo dalka ka jirtay, waxaana xusid mudan in xukuumada Somaliland dhawaan soo saartay baaq qaylo dhaan ah oo ay caalamka iyo hay’addaha gar gaarka kaga dalbanaysay in Somaliland lala soo gaadho kaalmo dhinaca aadamaha ah si looga hor tago halis ka dhalan karta abaar baahsan oo dalka ka jirta iyo xoolihii oo markaa u dhimanayay baad iyo biyo la’aan.

daad

Harowo Desk Somaliland.

Login