February 28, 2010
Bayaan: Canbaaraynta Gudoomiye Faisal Cali Waraabe ee Salaadiinta Habar Yoonis.
Tixraac waraysigii uu siiyay Gudoomiye Faisal Wargayska Haatuf, ee soo baxay 28/2/2010. Gudoomiye Faisal wuxuu ka dhawaajiyay in Xukuumado Hanti qaran ku maamulayso shirkaa beelaha HY ee Maydh.Hadaba aniga oo xogogaal u ah ajandaha shirka iyo qabanqaabadiisa, waxaan halkan ku iftiminayaa qodobada soo socda:
1. Ajandaha shirku wuxuu ku koobanyahay dib u dhiska Dekadda Maydh, hagaajinta wadada isku xidha Maydh/Ceerigabo, hagaajinta jidka isku xidha Hargeisa –Oodwayne-Burco., nabadaynta iyo iskaashiga beelaha Somaliland ee wada dega Gobolka Sanaag.Haba yaraate shirka kuma jirto ajande siyaasadeed, sida uu ku cadeeyay Suldaanka Guud ee Beelaha H.Y, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.
2. Salaadiintu ayaga isu xilqaamay inay safarkaa dheer galaan, shacabka Reer Sanaagna si xishamad iyo sharaf mudan ayay u soo dhaweeyeen. Ma jirto taageero dhaqaale oo Xukuumadu u fidisay.
3. Waxa haboonayd inuu Gudoomiye Faisal sugo gebogebada shirka iyo qodobada ka soo baxa, oo aanu ka hordhicin.Waxa haboonayd inuu xushmeeyo Salaadiinta , isla markaana uu dhawro karaamada iyo haybada beesha.
4. Gudoomiye Faisal wuxuu hore u taageeray shir beleedyo siyaasaydsan oo lagu qabtay Somaliland. Lama fahmi karo wuxuu u canbaareeyay shirka Maidh, ee samafalka iyo horumarinta ku salaysan.
Gebagebo.
A). Eedaynta & canbaaraynta Gudoomiye Faisal waxay dhaawac u gaysanaysaa dhaqaale-uruurinta loogu talo galay mashaariicda horumarinta .
B) Gudoomiye Faisal wuxuu guud ahaan qurba jooga HY hore uga codsaday taageero dhaqaale, gaar ahaan qurba jooga Dubai & Abu Dhabi.Waxay si tolnimo ah ugu deeqeen dhaqaale fiican,balan qaad danbena wuu jiraa.
C) Hadaba, kol hadii Gudoomiye Faisal ku aflagadooday beesha iyo salaadiintooda, dhaawacna u gaystay Barnaamijyada samafalka, waxay Qurba jooga beeshu kala noqdeen taageeradii dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay ugu balan qaadeen.Waxii horena waxay ku qoreen buuga khasaaraha” Loss Account”
D) Waxaanu ka codsanyana Af-hayeenka Shirka inuu jawaab cad ka bixiyo eedaynta Gudoomiye Faisal.
Wa bilaahi towfiiq.
Jamac Yusuf, Af Hayeenka Beelaha H.Y, UAE.
Email: Jamayusuf36@yahoo.com

