February 27, 2010

Ogaysiis Ku Socda Udub: U Diyaar Garawba Imaatinka Gudoomiye Sanwaa Cumar Yare

sanwaa-small Anigoo ah Xoghayaha Guud ee Gudida Siyaasada UDUB-Qatar kuna hadlaaya magaca Gudida Miisaaman ee Xisbiga UDUB u fadhida dalkan Qatar waxaan ku war-galinayaa dhamaan masuuliyiinta Heer Qaran ee Xisbiga UDUB kuna sugan Gobolka Saaxil iyo Caasimada Hargaysa in maanta oo taariikhdu tahay February 28, 2010 inuu nagasoo amba baxay Gudoomiye Sanwaa Cumar Yare kuna soojeeda dalkeenii hooyo ee Jamuhuriyada Somaliland.

Gudoomiyaha oo ay sii sagootiyeen dadkii ugu faraha badnaa Qatar ee sii sagootiya qof muwaadina oo reer Somaliland ah ayaa ka ambabaxay madaarka Caalamiga ah ee Doha caasimada Dalka Qatar.

Mudanayaasha waxaan ku wargalinayaa inuu Gudoomiye Sanwaa kusoo beeganyahay Madaarka Weyn ee Berbera caasimada Gobolka Saaxil Maalinta Isniinta ee ay taariikhdu tahay March 1st, 2010. Hadaba waxaanu si xushamad iyo xaqdhawr leh ku wargalinaynaa dhamaan masuuliyiinta Heer Qaran, Heer Gobol iyo Heer Degmo ee Xisbiga UDUB iyo Taageerayaashiisaba inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta Gudoomiyaha oo qiimo wayn ugu fadhiya Xisbiga Umada reer Somaliland kaasoo ah UDUB. Anigoo ixtiraamaya balanka Gudoomiyaha, wax tafaasiil ah kama bixin karo ujeedada socdaalkan Gudoomiye Sanwaa waana sidii uu kula balamay Gudida inaan laga hor dhicin ujeedada ka dambaysa Safarkiisa.

Waxa goobta sagootiska ku xaadir ahaa Sawir Qaade Imran Khan oo ah nin hindiya sawiradii madasha shan (5) ka mid ah ayaan idiin soo gudbiyay ee Daawasho wacan.

sanwaa-4

sanwaa-2

sanwaa-3

sanwaa

Wada Shaqayn Wacan

XOGHAYAHA GUUD EE

GUDIDA UDUB QATAR

MR.DALMAR

Login