February 25, 2010

Maxay Diinta Islaamku Ka Qabtaa Dimuqraadiyada…..!

Democracy waa erey ka kooban laba erey oo giriig ah oo kala Demos (shacab) ah iyo kratos (xukun)ah  macnaheeduna yahay xukuumdii ku dhisnayd wixii ay shacabku doorteen ama suldadii shacbiga. Hadaba akhlaaq xumda dimuqraadiydu  waxay ka bilaabantaa labda erye ee ay ka kooban tashay, taasoo macnaheedu yahay yaan ilaahay wax la waydiisan, hadiiba ay dadku waxy caqligooda ka keenaan loo yeelayo, xitaa hadii ay doortaan in dharka layska dhugo waa halayka dhigo amase ay doortaan in aan shareecda diinta islaamka laysku maamulin waa in ay dawldu fulisaa arintaasi oo lagu tilmaami karo “makas iyo caamo dhago weyn.”

Hadaba ceebaha ay leedahay dimuqraa diyadu waa waxaan la koobi Karin, waana nidaam aan marnaba lagu maamuli Karin dad muslina ah, waxaaba la odhan karaa waa nidaam lagu la tacaalayo umdaha islaamka dhinac kasta.ilaahay isagaa abuuray dadka isagaana leh maamulka waxaanu quraanka ku yidhi kariimka ah (ilaah baa abuurista iyo amarkaba iska leh).

Hadii rabi yidhi anaa dadka abuurtay anaana amarka siin saw maaha amarkiisa inaan lala simin amar kale oo la qaato oo loo hgaan samo iydoon wax dooda laga horkeenayn.hadaba mar hadii la qaato dimuqraadiyad waa amar diido la diidayo amarkii ilaahay ee hamoogaan akhristow ogowna  inuu yahay ereygaan soo sheegnay shirki iyo ilaahay oo wax lala wadaajiyo, waxa jira qaar iygu aamin sanin ereygu uu udhimo “ashuura”waana been iyo inkiraad laga sheegayo wax ilaahay aanu dadkiisa farin..waxaana wax lala yaabo ah in la yidhaaqdo xaqii.

Waxa asiibay aqlabiyad marka wax lagu doorto nidaamka dimuqraadiyada waana arin aan sax ahayn taasbna waxaa tusaale u ah hadii golha dadweynuhucod ku bixiyaan in loo fasaxo khamriga ama sinada waa in ay fulisaa dawlda ku dhisan nidaamka dimuqraadiyda waxa ay doorteen dadku.

Islaamku waa ka duwan yahay nidaamka dimuqraadiyda dhan kasta sidaan hore usoo xusnay maxaa yeelay xukun iyo siyaasada waxa leh ilaahay  marka la eego waxa ay ku dhaqmaytaan umda islaamku.hadaba guntii iyo gunaanadkii dimuqraadiydu waxay amar ka qaadataa caqliga dadka oo kaliya, haday tahay marka wax la ciqaabayo iyo marka wax la abaal marinayo, taana waxay ka shabahdaa dimuqraadiydu waxa ay dadku uyaqaanaan madhab.

By Cabdiqaadir Mahamuud Jama (jookar)

Email: coasto10@hotmail.com

Login