February 23, 2010
Fikirka siyaasadeed ee Muwadinka Reer Somaliland iyo Saamaynta uu ku yeeshay Shaqaalaysiinta Qaar Ka Mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalka.
Tan iyo intii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay 1991 ayaa waxaa isasoo taraayay halgan balaadhan oo muwadiiniintu ku waajahayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen noloshoodii ay halakeeyeen dagaaladii qadhaadhaa ee lala galay taliskii kaladii taliyaha ahaa ee siyaad barre, Kaas oo dadka reer Somaliand baday inay waayaan waxyaabihii nolosha bini’aadamku ku tiirsanaynd Sida nolosha aasaasiga ah (basic needs) iyo waxbarasho iyo wixii ay ku ahaayeen daljira.
Halgan dheer kadib dadku waxay la tacaaleen dib usoo celinta kaabayaasha dhaqaale oo lama huraan u ah inay helaan nolol, sida abuurista ganacsi yaryar iyo habka wax isku darsiga shuraakada (co-operations) taas oo noqotay hanaan lagula jaan qaadi karo aduun yada aynu ka mid ka nahay gaar ahaan wadamada jaarkeena, waxaa markiiba wax cajiib ah noqotay markii ay hana qaadeen shirkado waawayn oo ay leeyihiin dadka somaliyeed oo aan hore looga baran habka wax isku darsiga.
Tusaale ahaan waxaa koonfurta dhulkii la isku odhanjiray Somaliya laga aasaasay shirkad wayn oo lamagac baxday ALBARAKAAT shirkadaas oo laamaheeda ugu balaadhan ka hirgalisay Dalka Jamhuuriyada Somaliland gobolkasta magaalokasta iyo tuulo kastana dadwaynaha ku dhaqan u soo bandhidtay habka wax wada yeelashada (shares) habkaas oo farta lagu godaayay hana qaadkiisa ayaa noqday mid ay aad loogu badhaadhay, dadkuna ka dheefdeen faa’iido balaadhan oo dhinac macaash iyo adeeg hawlfudayn labadaba iskugu jira. Waxay shirkadaasi uga guulaysatay shirkado laga unkay asal ahaan Somaliland waa maxay sababtu?
Jawaabtu way fududahay oo waa sida aynu kor kusoo sheegnay hadii aynu si cad u iftiiminana waxaa weeyi hanaanka wax wada lahaanshaha oo dadku aad usoo dhaweeyeen kana door bideen habkii gaboobay ee kaliyeelshada, kaas oo hada dunida ka ah nidaam gaboobay dadka Somaliyedna barteen , waxaa tusaale cad inoogu filan waxaa dhacday duqayntii daaraha dhaadheer ee Maraykan (Twin towers)la duqeeyay ay ka dhalatay cadaawad ka dhan ah dadyawga Muslimiinta iyo waliba ganacsigoodaba iyo guud ahaan dhaqaalahooda.
Taaasi maysaamayn wadamada qarbiga laakiin waxay si cad u taabatay dhaqaalihii Somalida waxaa la xidhay shirkadii ugu waynayd xawaalada iyo is gaadhsiintii ugu balaadhnayd ee ALBARAKAAT taas oo hoos u dhac dhaqaale ku keentay guud ahaan dhulka Somalidu dagto iyo wadamada jaarkaba, hadana waxaa dhacday inay dadwaynaha Somaliland iyo Somaliyaba u ay u ahayd shirkada kaliya ee ay isticmaalaan ee u fududaysa adeeg yadooda dhinaca isgaadhsiinta ‘waayo dadkaa wada lahaa’ taasina waa ta joogtaysay inay suuqa hore usii galaan iyada oo xidhan halkii ay laalaaban lahaayeen.
Mudo kadib ayaa waxa abuurantay shirkada telesom oo halkii kasii amba qaaday adeegii isgaadhsiinta siina tayaysay howlaheedii sida Internet, Mobile, landline, iyo habkan cusub ee ZAAD SERVICES.
Habkan zaadka oo noqday mid madax wareer ku riday shirkadihii suuqa kula jiray ee ay isku hawsha qabanayeen, waayo wuxuu si casri ah u fududeeyay nidaamkii xawaalada oo ahaa mid dhib badan oo waqti badan ka lumin jiray dadka muwaadiniinta ah.
Tusaale ahaan anigu waxaan ahay nin ganacsade ah ganacsigaygu wuxuu kor u qaadmay 80% (sideetan boqolkiiba) maxaa yeelay waxaa iya yaraaday kharashaad badan iyo waqti badan oo iga bixi jiray,
hada waxaa dhacda in aniga oo sariirtayda dhabarka u jiija aan dadwaynaha aan lacagta ku leeyahay aan kasoo urursado qaarkale oo aniga wax ugu lahaana aan siiyo dayntooda islamarkaasna aan wax iibsado isla sariirtayda dusheeda. Waa Ilaahay mahadii waxaa noo fududeeyay habkan cusub ee ay bilowday shirkada wadaniga ah ee Telsom Company waa ZAAD services.
Hadii aan usoo dago ubucda maqaal kaygan waxaan uga gol leeyaay dhawaanahan ayaa waxaa soo batay shirkadaha isgaadhsiinta oo mararka qaar loo fahmi karo inay shacabka dan u yihiin calaashaan qiimo dhimis, ayaa hadana waxaa soo batay shirkado u qaatay in habka wax wada yeelashada lagu ladho qabyaalad iyo xisbiyada qaarkood, oo si toos ah loo taageero si ay u helaan taageerayaasha xisbigaa ay taageereen wax iibkiisa si layskugu xidho taageera yaasha xisbiga iyo adeega ay qabanayaan, taana u arkay shirkadaha adeegan hore u qaban jiray inay kaga guulaysanayaan.
Hadii akhriste aan laba u kala qaadno Qabyaalad iyo xisbinimo, inloogu kaambayngareeyo (complain) ganasi. Marka hore waa qabyaaladee waxaa isku dayay shirkado badan inay u arkeen inay suuqa ku dhacsan karayaan arintaas, mase rumoobin maxaa yeelay ganacsiga iyo qabiilku waa laba kala madax banaan ganasigu wuxuu ku xidhan yahay rabitaanka baahida, iyo kala doorashada qiimaha adeega iyo tayadada shayga mana jiro reer laandheere ku taajiray iyo mid laangaab ku caydhoobay taariikhda Somalida hadaad eegtana raga ugu tujaarsani waxay kasoo jeedaan qabiilo tiro yar.
Dhinaca xisbinimadu waxay ahayd meel aan hore wax looga dayin ‘hadyse dhacday’ waxaa ka mida shirkadaha dalka kusoo kordahay shirkad ka badheedhay inay xisbi ka mida xisbiyada Somaliland ka jira walibana ka mida kuwa ugu awooda badan ay dhinaca saarto oo ay istustay inay ku naajaxayso.
Tolow ma isku xidhan yihiin fikirka ama taageerada siyaasateed qofka muwaadinka ah iyo fursadaha shaqo ee dalka kajiraa?
Hadanay hore u dhicin hadan haaaaaaaaa. Waxaa dhacday in shirkad ku cusub saylada isgaadhsiinta casriga ah ay arintaaas qaadato badhadheedo, shaqaalahana ku xulato xisbinimo kuna tartansiiyo siday ugu kalo dhawyihiin xisbiga ay u aragtay inay ku naajaxayso ama ku badhaadhayso. Ma aha shaqaale hoosaadka oo kali ah, balse waa madax ilaa minjo shaqaalaha ka hawlgala iyo kuwa iman doona labadaba waxaa lagu kal saaridoonaa ama lagu xulandoonaa fikirta ay aamisan yihiin. Waa talaabo la qaaday laakiin waxaynaan garanay inay saamayn doonto ganacsiga Somaliland oo dhan iyo inay ahaan doonto cadho ku koobnaata shirkadaa ay ka soo if baxday. Hadaba yaa ka masuul ah wax ka qabashada arintan:
Waa arin inagu cusub hadan waxaa wadanka ka jirta dawlad leh hay’adeheedii maamul kuwii sharci dajin iyo kuweedii fulineedba, markaa waa xil saaran xuxuumda maanta joogta inay dadka ku eegto iyo inkale. Waxaa kaloo looga baahan yahay dadwaynaha intooda aqoonta leh inay arinan lafo guraan oo lagaga dooda warbaahinta, sida Idaacada BBC da VOA da iyo kuwa maxaliga ahba.
NB. Waxay arintani sii dardargalinaysaa Mushkiladii qarankani u maara la;aa ee Tahriibka dhalinta dada yar hadii aan talaabo dhaqso ah dawladu ka qaadin.
Alaaah Mahadleh
Ducaale Xasan khadar
Email: hargeisamyhome@yahoo.com

