February 22, 2010

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle Iyo Culimo Kale oo Ka Hadlay Xuska Mawliidka Nabiga

ahmed-small Hargeysa (Harowo) - Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo xubno kale oo culimada waaweyn ee Somaliland ah ayaa si kulul u naqdiyay culimada iyo dadka diidan xuska Dhalashada Nabigeeni Muxamed (NNKHA) waxaanay dadka ugu baaqeen in aanay dheg jalaq u siin. Hadaba xildhibaanka iyo wasiirkii hore ee diinta iyo awqaafta Sh. Aayatulah iyo xubno kale oo Tv-ga qaranka caawa ka hadlay ayaa soo bandhigay daliilo badan oo diinta islaamku ku jidaynayso xuska Dhalashada Nabiga, waxaanay cidii haysa wax lagu hor istaago ka dalbadeen in garoonka uu is keeno, hoos ka dhegayso Xildhibaanka iyo culimada kale.

Get Flash to see this player.

Login