February 22, 2010
Wasiirka Howlaha Guud Oo Xadhiga Ka Jaray Biriish Cusub Oo Burco Laga Hirgaliyay.
Burco (Harowo) - Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo gaadiidka Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta xadhiga ka jaray biriish cusub oo loo sameeyay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Kaas oo mudo dheer oo dhismihiisu socday ka dib maanta loo baneeyay in gaadiidka iyo dadkuba isticmaalaan. Bariishkan oo ku biiraya tiraba biriishyo dhawr ah oo dadka reer Burco samaysteen, waxa dherarkiisa lagu sheeay 40-mitir, halka balaciisuna ka yahay 10-mitir, waxaanu dhismihiisu socday mudo sanad ku dhow, taas oo lacagta ku baxday ay bixisay shirkada Dahabshiil.
Xaflad loo sameeyay furitaanka biriishkan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday Dawlada, xisbiyada mucaaridka ah iyo masuuliyiinta gobolka oo ay weheliyaan waxgaradka iyo dadweynaha reer Burco.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryaynta, Md,Siciid Sulub Maxamed, oo markii uu xadhiga ka jaray hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Waa munaasabad farxad leh waa munaasabad wax qabada waa munaasabad aynu isugu soo baxnay wanaag iyo rayrayn, anagoo u aqoonsanayno Dahabshiil inay tahay Shirkadda ugu wax qabadka badan ee Gobolka Togdheer ayna noqotay farac ka mida howlaha guud, Dowladaha horemaray dadkeedaa horomariyay umadi iyagaa wax qabsada Dowlad waxa la yidhaahdo Shacabkay ka timaadaa ee ma’aha sidaynu inagu u naqaano waxaa weeyaan hadii aan wax la’la qaban Dowlada maanta jirta dadwynaheeda ayaa wax qabsada anaguna waanu garab taaganahay mar labaad waxaan ku amaanayaa Shirkadda Dahabshiil ficilkaa ayaa afka ka wanaagsan in ficil wax lagu muujiyo waxaan leeyahay ha lagu daydo.
Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil ee Goboladda Bari, Mr. Nuux Sicii Ducaale, oo isna halkaa hadal kooban ka yidhi ayaa ka waramay dhismaha biriishkan, lacagta ku baxday, mudada uu socday, iyo sida shirkadoodu ugu heelan tahay horumarinta dalka taas oo ah mid ay dadweynaha ugu celinayso dakhligii ka soo galay. Waxa uu maareeyaha Dahabshiil Bari aad ugu dheeraaday waxyaabihii shirkadoodu dalka ka qabata.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Maxamed Kaahin oo ka socday Xisbiga Kulmiye, waxaanu shacbiga reer Burco kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan wixii kala qaybinaya iyo in siyaasada xisbiyadu gobolkooda biyo dhigto oo ay shacbiga ku milanto.
Gudoomiyaha gudida horumarinta Togdheer Maxamed Xuseen iyo dad kala duwan oo u badan wax garadka iyo aqoon yahaynka reer Togdheer ayaa iyaguna halkaa hadalo koob kooban ka jeediyay waxaanay dhamaantood muujiyeen sida ay shirkada fulisay dhismaha biriishkan ugu mahadnaqayaan.





Harowo Desk Hargeysa Somaliland
