February 22, 2010

Golaha Guurtida oo Cod Aqlabiyada Ku Meelmariyay Gudida Joogtada Ee Golaha.

Hargeysa (Harowo) - Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntooda cod aqlabiyada ah ku ansixiyay xubnaha cusub ee Gudida Joogtada Golaha oo hore muran uga dhashay, awgii goluhu u xidhmay, si wayna uu ugu kala jabay. Guddida joogtada ee cusub oo lagu soo dhisay hab shir gudoonka Gudoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen isku waafaqsan yihiin ayaa ka danbaysay go’aan gudi xalinta khilaafkan goluhu hore ugu saaray soo go’aamiyeen. Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo gudoominayay fadhiga maanta ayaa sheegay in go’aankan ay shir gudoon ahaan isku waafaqeen mudanayaashana cod ka doonayaa, ka dibna waxa uu cod u qaaday markii gudoomiye ku xigeenka labaad akhriyay magacyada gudida joogtada ah, taas oo 55-mudane mid ka aamusay, hal mudane uu diiday gudoomiyuhuna aanu codayn, hoos ka dhegayso, Gud. Saleebaan, Gud/kuxigeenka 1aad Sh. Axmed Nuux Fure iyo guud ahaan jawigii fadhiga maanta.

Get Flash to see this player.

Login