February 22, 2010
Ciidamada Qaranka oo Afka Dhulka u Daray, Weerar Gaadmo ah oo Saaka Maleeshiyo Puntland ahii Ku soo Qaaday.
Laas-caanood (Harowo) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool ku sugan ayaa fashiliyay weerar gaadmo ah oo koox maleeshiyo ka tirsan Puntland saaka aroortii ku soo qaadeen fadhiisinka ugu horeeya ee ciidanka. Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee dagaalka ayaa intaa ku daraya in ciidamada qaranku caabin kulul kala hor tageen weerar dhuumasho ahaa, oo ciidan beeleedka Puntland ku soo qaadeen saldhiga hore ee ciidanka qaranka, kooxdan maleeshiyada ah ee reer Puntland oo watay lix gaadhi oo tigniko ah, ayaa ku soo dhex dhuuntay gawaadhi kolonyo ah oo raashin hay’adda WFP u geeyay gobolada dhexe ee Somaliya.
Sida wararka laga helayo ciidamadu xaqiijiyeen gaadiidkan gaashaaman ee ciidamada Puntland wateen oo markii hore soo dhex galay kolonyada gaadiidka ah ee ka soo noqday Somaliya ayaa doonayay inay ciidamada ka dhex toosaan, hasa yeeshee ciidamada qaranka oo heegan culus si joogta ah ugu jira ayaa ka il horeeyay ka dibna caydhsaday kooxdan werarka gaadmada ah waday.
Sida taliyayaasha ciidamadu cadeeyeen, waxa maleeshiyadii puntland la caydhsaday ilaa tuulada Tuko-raq halkaas oo kastam uga furnaana ciidanka qaranku baabiiyay, hub iyo saanad kale oo ciidana ka qabsadeen, kuna kala tuureen werarkoodi iyo is abaabuulkoodi.
Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Md. Saleebaan Warsame Guleed oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada qaranka Somaliland is caabiyeen weerar gaadmo ah oo maleeshiyo ka tirsan Puntland maanta ku soo qaadeen jiida hore ee ciidanka qaranka, ee gobolka Sool.
Wasiirku waxa uu xaqiijiyay inaan wax khasaare ahii soo gaadhin dhinaca ciidanka qaranka Somaliland isagoo geesta kale xusay in jab wayn loo gaystay maleeshiyadii Puntland ee duulaanka gaadmada ah soo abaabulay, lana baacsaday ilaa gudaha Puntland waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in ciidamada qaranku gacanta ku dhigeen isla markaana burburiyeen kastam aan sharci ahayn oo kooxdaasi ka samaysatay meel dibada ka ah tuulada Tuko-raq, lacago aan jirina ay kaga qaadeen gaadiidkii wadadaa iskaga gooshayay.
Wasiirka Gaashandhigu waxa kale oo uu sheegay in ciidamada qaranka ee Somaliland yihiin heegan goor kastana ay diyaar u yihiin difaaca dalkooda, cid kasta oo soo xasaradaysatana ay talaabo adag ka qaadi doonaan, wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay, in ciidamadu qaranku sugeen amaanka dhamaan goobihii lagu dagaalamay saaka si buuxdana ay gacanta ugu hayaan xaalada degaankaas.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka qaranka ee ku sugan aaga hore ee gobolka Sool oo arintaa nooga waramay ayaa sheegay in ciidamadu qaranku jab lama ilaawan ah ay u gaysteen koox meleeshiyo Puntland ah oo watay lix gaadhi oo tikniko ah, kuwaas oo saaka aroortii ku soo dhex dhuuntay gaadiidkii Hay’adda WFP raashinka ugu daabulay gobolada dhexe ee Somaliya, maleeshiyadan oo doonayay inay ciidamadda ka dhex toosaan waxa markii ay rasaasta soo fureen ka dib si kulul ugu jawaabay ciidanka qaranka ka dibna waxay u baxsadeen dhinaca garoowe, halkaas oo ciidamadu baacsadeen, qoryo iyo rasaas badana ka soo furteen, kana burburiyeen kastam sharci daro ah oo Tuulada Tuko-raq ay ka samaysteen.” Ayuu yidhi taliyahaas oo ka cudur daartay in magaciisa la faafiyo.
Harowo Desk Hargeysa Somaliland
