February 21, 2010

Maxay Ka Tidhi Saxaafada Somaliland Soo Dhaweyntii Wafdiga Xoghayaha Guud ee xisbiga Udub.

Saxaafada somaliland si aad ah ayey uga hadashay soo dhaweyntii wafdiga xoghayaha guud ee xisbiga Udub Mudane Jamac Yasiin.  Inta badan saxaafadu waxay ku sheegtay soo dhaweynta reer Hargeysa u sameeyeen wafdiga mid sheeko reeb ah oo aan hore loo arag.  Saxaafadu waxay sheegtay in kumanaan iyo kumaan dadweynaha reer Hargeysa ah oo wata boqolaal gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweyn isugu jira oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka astaanta u ah xisbiga Udub inay safaf u taagnaayeen maalintii oo dhan min tuulada Halleeya ee duleedka magaaalada Hargeysa….

ilaa xarunta dhexe ee xisbiga oo magalaada dhexdeeda ah si ay u soo dhaweeyaan wafdiga.  Qaar ka mid ah saxaafadu waxay ku macneeyeen banaanbaxaas inuu ahaa dhoolatus xisbiga Udub ku muujinayo muruqyadiisa waaweyn iyo inay ahayd mid uu ku quusinayo axsaabta mucaaridka. Waa tan sida ay u hadashay saxaafadu:

Wargeyska Haatuf :

Wargesyska Haatuf wuxuu yidhi “Boqolaal gaadiid ah oo la sudhay calanka iyo sawirada madaxweynaha Daahir Riyaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta wafdiga Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub mudane Jamac Yaasiin”.

Haatuf wuxuu kaloo intaas raaciyey in ugu dembayntii wafdiga loo soo galbiyey Xarunta xisbiga halkaasoo ay ku sii sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan iyo madax ka socotay xukuumada somaliland.

Wargeyska Waaheen:

Wargeysku wuxuu yidhi “Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Udub Jamac Yaasiin Faarax oo uu weheliyo Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Udub mudane Cismaan Hindi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan oo mudooyinkii ugu dembeeyey kormeer shaqo ku marayey guud ahaan gobolada Somaliland ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey meel magaalada Hargeysa u jirta 10 kiloomitir oo ah tuulada Halleeya”.

Wargesysku wuxuu kaloo yidhi “Kumanaan dadweyne ah oo ku jeeniqaaran calnka xisbiga Udub lulalayana caleemo qoyan sitana sawirada musharixiinta xisbiga Udub ayaa guud ahaan magaalada Hargeysa qariyey”.

Waaheen wuxuu intaas ku daray in isu socodkii magaalada Hargeysa cidhiidhi galiyeen boqolaal gawaadhi ah oo soo dhaweynayey masuuliyiinta xisbiga.

Wargesyska Ramaasnews:

“Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta si diirran tuulada Halleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa ugu soo dhaweeyey xoghayaha guud ee xisbiga Udub mudane Jaamac Yaasiin oo isaga iyo wafti uu hogaaminaayey ay socdaal ku soo mareen gobolada dalka oo dhan” Sidaas waxa yidhi ramaasnews.

Wargeyska Oodweynenews:

“Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Udub iyo wafdigii uu hogaaminaayey oo maanta si aan la qiyaasi karin loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa”, sidaas waxa yidhi wargeyska oodweynenews. Wargeysku wuxuu kaloo soo daabacay sawiro muujinaya sida maalintaas Hargeysa looga soo banaanbaxay.

Wargesyska Maroodijeexnews:

“Boqolaal gaadiid ah oo la sudhay calanka iyo sawirada musharaxiinta xisbiga Udub ayaa iyaguna ka qeyb galay soo dhaweynta masuuliyiinta Udub una soo galbiyey ilaa xarrunta dhexe xisbiga”. Sidaas waxa yidhi Wargeyska Maroodijeexnews.

Wargeyska Gabileynews:

” Kumanaan qof ayaa kaantroolka Lughaya ilaa xarunta dhexe ee xisbiga Udub soo galbiyey wafdiga uu hogaaminayey xoghayaha guud ee xisbiga Udub iyaga oo dadkaasi lulaya caleemo qoyan iyo calanka xisbiga Udub kuna dhawaaqaey ereyo ay ku soo dhaweynayaan wafdiga” Sidaas waxa yidhi wargeyska Gabileynews. Wargeysku wuxuu kaloo soo saarey sawiro muujinaya sida wafdiga loo soo dhaweeyey.

Wargeyska Harowo:

Harowonews isagu wuxuu soo bandhigay film uu u bixiyey soo dhaweynta Udub ee Hargeysa iyo maanta. Filmku wuxuu muujinayaa sida xad dhaafka ah ee dadka reer Hargeysa u soo dhaweeyeen wafdiga.

Maxay qortay Saxaafada Soomaaliya:

Shabellenews:

“Maanta ayaa magaalada Hargeysa waxa isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah oo taageersan xisbiga talada haya ee Udub. Waxaana dadkaas oo watay in ka badan 1000 gaari oo isugu jira gawaarida yar yar iyo basaska dhaadheer ee dadka lagu qaado ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ku taageerayaan xisbiga talada haya ee udub. Waxayna kor u luxayeen calanka uu leeyahay xisbigaasi” Sidaas waxa yidhi Shabellenews.

Wargeysku wuxuu kaloo yidhi “Taageerayaasha xisbiga talada haya ee somaliland ayaa maanta banaanbax ay ku muujinayaan awoodooda iyo sida ay ugu diayaar garoobayaan doorashooyinka waxa ay ku sameeyeen magaalada Hargeysa”.

Sida muuqata saxaafada soomaliland waxay maalintaas ku mashquulsanayd sidii ay sawir dhab ah oo uga bixin lahayd baaxadda ay leedahay soo dhaweynta wafdigaas, Saxafiyiinta qaarkood waxay sheegeen in maalintaas oo dhan ay ahaayeen kuwo dhirta la saaran kamarado iyo qalabka wax lagu duubo, kadib markay dhulkii ka waayeen meel ay cag ka dhigaan dadka soo buuxiyey wadooyinka darteed.

Hadaba suaashu waxay tahay marka saxaafada soomaaliland ku mashquulsanayd soo tebinta wararka la xiriira soo dhaweynta wafdiga,  maxay ku mashquulsanaayeen oy qorayeen Geel jiraha Kulmiye wax u caaya, saxaafada dabada banaan ee kulmiye iyo wargeyska dhafoor xiir “Laba wajiile” ee Kulmiye?

Jawaabtu waa koobantay, waxay ku mashquulsanaayeen oy qorayeen Cayda, aflagaadeynta iyo ka been sheegida Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah wasiirada Qaranka oy cuqdad ka qabaan. Waxay maalintaas u ahayd “Aan ooyee albaabka ii xidha”.

Naaleeye Nuur

Email: naaleeye111@hotmail.com

Login