February 21, 2010
Dhulka Waynu Wada Leenay
Waligeedba nin abaal guda iyo nimaan gudinba way kusoo noolayeen dunida, waxa maanta Kulmiye ku jiraa abaabulkii ugu miisaanka waynaa ee uu ugu talo galay soo dhawaynta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe taasi oo ah shuruud iyo axdi ay wada galeen labada xisbi mucaarid kuna salaysan Elementary maths 1+1=2 Adna markaaga Anna markayga. Sababtu waa maxay? Waxa xadhkaha goostay oo isu badalay Bad Weynta marakiibta Culus dajisa Xisbiga UDUB kaasoo 4-tiisa albaaba u furan yihiin cidkasta oo ku abtirsata Somaliland-nimo. Xisbigan ayay mucaaridku u arkeen mid la nacay taasoo beenawday markii ay masuuliyiinta sare ee xisbiga UDUB:
Mudane Jaamac Yaasiin Faarax (LIBAAX SOO DHACAY) iyo Cismaan Claahi Cigaal (Cismaan Hindi) ay soo mareen dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyadoo soo dhawayntoodii ay noqotay mid kalsooni iyo kalgacal ay ku muujiyeen Gabi ahaanba Shacabka Somaliland waxaan ka marag ah inay CAANO RAMAD GEEL LAGA LISAY loola taagnaa Gobokasta iyo Degmo kasta halkaasna waxaanu uga eegnay Hab-Maamuuska loo boqro Salaadiinta Somaliland.
Hadaba nin tuurlihi wuu yaqaan tabtuu u seexdo, mid kaliya ayay ku shuraakoobeen labada xisbi mucaarid waana ta ugu macquulsan oo waxay tahay: mar hadii UDUB umadu wadato waar aynu isku darsano taageerayaasheena xiliga soo dhawaynta oo kaliya waana sababta maanta kulmiye ugu hawlan yahay soo dhawaynta Faysal.
Waa laysku leeyee midh talo ah iga qaata, Kulmiyoow soo dhaweeya Faysal laakiin Calankiina hoos u dhiga si loo moodo taageerayaasha UCID oo kaliyihi inay soo dhaweeyeen Gudoomiye Faysal.
Waxaan kaga baxayaa: Ninawna haysku dayin inaad istidhaa nin hadalka kaa yaqaan badal Qawlkiisa, Ilaahay Godka haw nuuree Taariikhda Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal waa lama taabtaan. Qaarbaan garanayn sida loo doodo, Adeer Cigaal Isagaa Daahir Rayaale keenay una gartay hogaanka Qaranka Somaliland.
Marxuum Craxmaan Tuur dalka wuu xoreeyay laakiin kumuu guulaysan inuu Dawlad dhiso, Cigaal ayaa sutida u Qabtay Calan Cas iyo wixii soo raacayayba Dawladana Dhisay, Distoorkana Dhigay wixii uu kariwaayayna waxa ka masuul ah Rag maanta nool oo lugta haya Qarannimada Somaliland markasta iyo goorkastaba.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.
E-Mail: muwadin01@hotmail.com

