February 19, 2010
Hay’adda Horn-peace/DRC oo Deeq Guddoonsiisey Boliiska iyo Guddiyada Xaafadaha Ceerigaabo.
Ceerigaabo (Harowo) - Hay’adda Horn-peace/DRC ayaa qalabka xafiisyada oo noocyo badan isugu jira gudoonsiiyay Ciidanka Booliska Gobolka Sanaag iyo Gudiyada nabad-galyada xaafadaha Magaaladda Ceeri-gaabo. Sida uu ku waramay Wergeyska Madaxa banaan ee Maalmaha oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa, waxa hay’addahani qalabkaas oo isugu jirey Kombuyuutarro Printer-ro, Miisas, Kuraasi Kabadho, Koodhadh, Tooshash, Siidhiyo iyo Stationery oo ay ku deeqday Hay’adda Horn-peace/DRC ayaa maalintii Arbacada waxa fagaaraha xarunta dawladda hoose ee Ceerigaabo lagu guddoonsiiyey Taliyaha Boliiska gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud iyo Guddiyada dhowaan loo sameeyey saddexda xaafadood ee Ceerigaabo oo iyaguna boliiska kala shaqeeya dhinaca amniga.
Warkan oo wargeyska uu magaalada Ceerigaabo uga soo diray Wariye C/laahi Darwiish waxa uu intaa ku daray, “Qalabkan aad aragtaan hay’ad ahaan Horn-peace/DRC waxannu ugu deeqnay tayaynta nabadgelyada ee gaar ahaan xafiiska qaybta boliiska iyo labada saldhig ee boliiska Ceerigaabo iyo weliba guddida saddexda xaafadood ee Ceerigaabo oo iyaguna loo abuuray dhinaca amniga in ay kala shaqeeyaan boliiska, sidaas ayaannu maanta fagaarahan ugu guddoonsiinaynaa Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur si waaxyaha loogu tala galay mid kastaaba qaybtooda loo gaadhsiiyo, waxannuna filaynaa wax badan in qalabkani ka tari doono baahiyaadka xafiisyadaas iyo adkaynta nabadgelyada intaba”. Sidaas waxa yidhi Bashiir Cabdi Xariir (Horn-peace/DRC) oo munaasibaddan qalabka lagu wareejinayey ka hadlay.
Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna fagaarahan hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Waxad ogtihiin Horn-peace/DRC in badan ayay innala shaqaynayeen maantana deeqdan ay inna soo gaadhsiiyeen waannu ka guddoonney weliba aadna waan ugaga mahad celinayaa waana arrin wax weyn ka tari doonta dhinaca tayaynta xafiisyada iyo nabadgelyada”.
Mayerka Ceeri-gaabo isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Innakana inkastoo xafiisyada qaarkood wax isla diid yar darted ay dib innooka dheceen haddana taasi xilligan waa dhammaatay, waxanna idinku boorrinayaa in aynu ka faa’iidaysanno fursaddan qaaliga ah ee lagu tayaynayo hawlaha nabadgelyada ee degmadan aynu ku nool nahay” “Hay’addan Horn-peace/DRC iyagana waxan ka codsanayaa sida gobollada kale ee dalka in annagana naloo dhiso guriga cuqaasha ee gobolka Sanaag”.
Taliyaha Boliiska gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud ayaa iaguna dhiniciisa mahad naq usoo jeediyey hay’adda qalabkan ugu deeqday isagoo sheegay in ay wax badan kaga faa’iidaysan doonaan baahida qalabkan boliisku u qabeen.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

