February 6, 2010

Xukuumada Somaliland oo Shaaca Ka Qaaday In abaaro Baahsani Dalka Ka jiraan, Dunida Gurmad ka Dalbatay.

wasiirka-qorshaynta-small1 Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Qorshaynta qaranka iyo gudoomiyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka iyo abaaraha ee (NERAD) Md. Cali Maxamed Ibraahin (Sanyare) iyo Maxamed Muuse Cawaale ayaa maanta shaaca ka qaaday in abaar baahsan oo dalka wada gaadhsiisani Somaliland ka jirto.  Wasiirka qorshaynta iyo Gud. NERAD waxa ay si cad u sheegeen in xukuumadu qaylo dhaan u kala dirtay, dalalka caalamka iyo hay’addaha dunida, isla markaana ganacsatada iyo muwaadiniinta Somaliland meel kastoo ay joogaan waxay ka dalbadeen in gurmad wixii loo tahli karo lala soo gaadho, 40% dadka reer Somaliland ah oo abaartu ku habsatay, masuuliyiintan ayaa sheegay in abaartan oo Sima loogu magac daray ay ka dhalatay roobabkii Gu’ga oo yaraaday. Hadaba hadaladii masuuliyiintaa hoos ka dhegasyo.

Get Flash to see this player.

Login