February 6, 2010
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta oo Shacbiga Ugu Baaqay Alla Bari Iyo In Danbiga la Yareeyo.
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Maxamuud Suufi Muxumed ayaa sheegay in abaaraha is daba jooga ah iyo roob yaraantu ka dhasheen danbigii dadka oo batay. Sidaa daraadeedna loo baahan yahay ayuu yidhi in Danbi Dhaaf Alle laga dalbo. Wasiirka oo abaaraha baahsan ee dalka ka jira ka hadlayay ayaa shacbiga, Imaamyada Masaajidada intaba ka codsaday in Alle Bari la sameeyo, macsida roobku ku yaraanayana laga dheeraado, hadaba baaq arintaa la xidhiidha oo wasiirku shacbiga u dirayo hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.

