February 6, 2010

Shirka Aqoonyahanka Awdal & Salal Waa Tusmo Soo Dhaweyn Muddan

Sida uu qeexayo hadiithkii Nabigeena Muxamad(SCWS) ee  ahaa “ Walaalkaa u gargaar haddii u gar leeyahay iyo haddii uu gar darran yahay labadaba”; waxan walaalkay Maxamad Xasan Mataan u soo jeedinayaa inuu raaligelin ka bixiyo  maqaalkiisa ku soo baxay shabakadda Harowo ee uu ku deedifaynayo  qaban-qaabada shirka aqoonyahanka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada minsota  ee dalka Maraykanka.

Ma muuqato sabab looga hordhaco shir aan wali la shaacinin ajandihiisa; mana haboona in  la male-awaalo ujeedooyin aan sugneyn oo dadka loogu sawirayo “Wax dumin” – xaasha! Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma geyaan erayada walaalkay u adeegsaday isagoo hadana ka markhaati kacaya in Aqoonyahanka Awdal uu ahaa kii dhidibada u taagay Somaliland eel ahaa farsamadii lagu hagayey shir beeleedkii lagu dhisay Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaana  qoray Axdi Qarameedkii  laga dheegay ama saldhigga u ahaa  Distoorka maanta Qaranka lagu hoggaamiyo.

Sidaa awgeed, aqoonyhanka Awdal & Salal waxbay dhisaan ee wax ma dumiyaan; sidaasna waxa  cadeyn u ah:

1- Hormuudka Jaamacadaha Somaliland ee “ Amoud University” ee horseeday in muddanka kheyraadka  oo ah dhalinyarada dalka  oon cidlo kaga dhicin aqoonta  iyo waxbarashada.

2- Cusbitaalka dhawaan lagu wareejiyey isla Jaamacadda  oo isna caafimaadka guud ee bulshada kaalin muhiim ah ka gali doona insha Allah. Ilaahay haka abaalmariyo intii ababuulkiisa laheyd ee Ilaahayna u suurageliyey.

3- Biyaha Awdal, gaar ahaan magaalada Borama ee ka tilmaaman magaalooyinka dalka.

4- Warshadaha qaarna la furay, kuwo kalena ku dabajiraan .

5- ARDAA, IQRA  & kuwa kale (the non-profit organizations) ee loo abuuray guud ahaan horumarinta arrimaha bulshada  siiba ka faa’iideysiga kheyraadka dhulkooda oo iyaguna wada hawlgal ah.

Arimaha siyaasadda  ama ololaha ku saabsan doorashada  madaxtooyada Somaliland  shirkan aqoonyahanka reer Awdal  & Salal inuu waxtar u yeesho mooyaane wax uu ka ridayaana ma jirto; gaar ahaan madaxweynaha hadda talada haya oo ka soo jeeda Awdal& Salal. Waxa hadaba ka-hadal iyo tilmaan u baahan:

1- Golayaasha sharci dajinta sida Guurtida & Wakiilada oo waqtigoodii dhamaaday ama gabogabo yahay ee  imika uun “Kaam Dhugad” iyo jabhadeyntu ka dhex oogsatay.

2- Xisbiyada mucaaradka  een qabyaaladda la gabaneynin ee la wada arkayo abaabulka iyo heesaha lagu dagaal galayo.

3- Xukuumadda haleelba loo diiday ee lagu hor qalay muwaadiniin aan waxba galabsan; isla markaana horteeda lagu burburiyey agabkii diiwaangelinta  ee iyadu gacanta ku haysay.

Waxan ku soo gabagabeynayaa, shirka Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma wuxu ka xanuun batay shirarka qabiilka ee dalka gudihiisa iyo dibaddaba lagu qabto ee waliba lagu faanayo – jawaabtu waa maya oo way caddahay.

Sidaa darteed,waxan ugu baaqayaa bulshada Awdal & Salal inay shirka soo dhaweeyaan, cid kasta oo u damqaneysaa haka dambeyso, waxa suuragal ah inuu faa’iido keeno ee idinkoon shareysanin ka gungaadha ujeedada shirka loogu baaqay; kadibna  qaata wixii waxtar leh ee ka soo baxa,taas ayey danta deegaanka iyo dariskuba ku jirtaaye.

Ilaahay ha inna waafajiyo wanaagga Aamiin! Aamiin! Aamiin!.

Maxamd Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh

Riyadh – Saudi Arabia

Email: obsiyeh@yahoo.com

Login