February 6, 2010
Garamada Xayaysiiska Khamriga ee Carlsberg iyo Dahabshiil Ku wada Yaalaan ee Kooxda Kubadda ee Gaashaan
Waxaa wax lala yaabo igu noqotay inaan dhawaan arko in koox ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee Somaliland, gaar ahaan kooxda Gaashaan aan arkay sawiro iyadoo ciyaartoyga kooxdaasi gashanyihiin garamo ay ku qoranyihiin Dahabshiil, halka ka saraysana ku sii qorantay Carlsberg iyo calaamada shirkadaas. Carlsberg waa shirkad caalami ah oo asalkeedu ah shirkad Danish ah oo soo saarta ´´beer´´-ka ama khamriga loo yaqaano biirka, waxaanay safka horre kaga jirtaa shirkadaha leh nooc biir oo u gaar ah. Isla markaana waxay shirkadu soo saartaa noocyo kale oo khamriga fudud ah.
Shirkadan waxa sidaas oo kale magaceedu ku qoranyahay garamaanta kooxda English-ka ah ee Liverpool. Laakiin waxaa la yaab igu noqotay in kooxda kubadda cagta ee Gaashaan aan ku arko calaamadi shirkadaa biirka ee Carlsberg iyadoo aynu nahay dal iyo dad muslim ah. Waxa kale oo iyana la yaab igu sii noqotay in aan arko shirkadda Dahabshiil oo iyanna ogolaatay in magacooda meel lagu wado qoro garamaan ama shaadhadh xayaysiinaya shirkada khamriga ee Carlsberg.
Waxaan waydiin lahaa kooxda Gaashaan iyo shirkada Dahabshiil-ba inay ka jawaabaan arintaas siday ku dhacday. Waxaan jeclaan lahaa in maamulka kooxda kubada cagta ee gaashaan iyo ciyaartogooda sida cabdrisaq quule, siciid viera, iyo shanbidhiidho. Maamulka Dahabshii-na waxaan ka sugaynaa inay ka jawaabaan iyagunna dhinacooda siday uga suurta gashay arintaa foosha xun iyo bal waxa ka dhaxeeya iyaga iyo shirkada khamriga ee Carlsberg.


Faisal Haji Noor Abdalla
Strasbourg, France
Email: fai_noor@hotmail.com

