February 6, 2010
“Dawlad Ka Xoogbadan Dawladeena Somaliland Maynaan Arag”, Kolba Gole (Guurtida iyo Baarlamaanka) Ayaa Ula Soo Baxaya Geesaa Orgacda.
Baarlamaan waxa loola jeeda masuuliyiin ku timi doorasho dad wayne kuwaas oo cod ku helay Balanqaad adag kaasi oo ah inay wax u qaban doonaan gobolada ay kasoo baxeen, inay dalka shuruuc iyo nidaam u dhisaan ama sharciga halkuu dalabta ka leeyay toosiyaan, iyo inay noqdaan kuwo leh siyaasad midaysan oo qaranka wax ku kordhisa intaasi waa sharaxii oo kooban mana aha cashar aan dhigayo ee la socda waa ogtihiin akhristayaasha sharafta ilaahay siiyoow. Waxa jiray in dadaalkeenii aynu kusoo furnay xoolaha waana guul xukumad iyo shacaba aynu isugu tagnay.
Waxa isna qayb libaax ka qaatay furitaanka xoolahan SL Mr.Al-Jabbiri oo ah muwaadin sucuudiyaan ah ilaahay khayr ha siiyee. Wax yar ka dib, ayaa la bilaabay dacaayado iyo warar mala’awaal ah oo la leeyay: Adhiga somaliland ma caafimaad qabo lamana soo baadho, Maxjarka Berbera ma joogto dhakhaatiir wax baadha mana aha mid ay kasoo dhoofi karaan xoolo tiradan lihi iyo wixii dhagxumo ah ee loola jeedo xoolaheena! Waxa waxan oo dhan ka dambeeya ninkii marka horeba uu inooga hiiliyay Al-Jabbiri oo la yidhaa Abu Mansuur oo isna ah nin sucuudiya laakiin aad u neceb gooni isu taaga somaliland. Ninkan ayaa ah nin maal qabeen ah oo ay aaminsan yihiin niman ay walaaladood wada shaqaystaan oo ku jira Baarlamaankeenan Somaliland ee sii galbanaya isagoon wax qaban.
Ninkan cadawga ku ah ee ka hinaasay xoolaha somaliland, ayaa farta kula hadlaya rag dhan oo masuuliyiin ah oo somalilandersa ah, oo Barlamaan ah kuwaasoo la yidhi khalkhaliya hawsha sida fayyow uga socota maxjarka Berbera. Iyagoo sabab ka dhigaya Ganacsatadii Somaliland ayaa la cuna qabateeyay, ayay iskaxaysteen intii kulmiye ka tirsanayd baarlamaanka oo la yidhaa: Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada. Hadaba maxaa loo arki waayay nin ganacsade ah oo leh waa nala cunaqabteeyay haday waxay sheegayaan runta ku aroorto?
Dalka waynu wada leenahee, waa inaynu kasoo horjeesano cida wada fadeexadan dhaqaalaha laynagaga xidhayo hawgu horayso gudidan Abu Mansuuraysan oo gabtay hawshii Qaran ee Baarlamaan lahaan jiray. Waxaan kaga baxayaa: Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaliland Dr.Idiris Ibraahin Cabdi muu diidin gudidan ee wuxuu diiday hadalkooda oo ay ku jirtay markay kulmeen Wasiirka Xoolaha la dhoofinayaa ma caafimaad qabaan!!! oo ah KALMADII UU YIDHI ABU MANSUUR OO LAALUUSH BIXIYE WAYN AH OO LAGA YAQAAN DHULKA SOMALIDU DAGTO OO DHAN.
BAARLAMAAN KA NASAKHAN WALIGEEN ARKI MAYNO! - DADKII IDIN DOORTAY MAXAA U QABATEEN?
CADCEEDIINII WAYSII DHACAYSAAYE, SHURUUCDII LAGU DHAQMAYAY MA DAJISEEN?
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.
E-Mail: muwadin01@hotmail.com

