February 5, 2010

Yaab-Aragow Ha Ku Daba Lumon MaXamed Xasan Mataan: “Ma Gabowdo Taariikhdu, Mana Dhimato Taariikhdu.”

Waxaan ka mid ahaa dhalinyartii R/Awdal ee ka sooo qaxday burburkii Soomaaliyeed Muqdisho, Ilaa maantana ku Nool S/land Boorama iyo Hargeysa, xogogaal badan u ahaa dhacdooyinkii ka dhacay Awdal iyo S/landba,  Waxaan akhriyey maqaalka uu qoray Mohamed Yaabarg uuna ku sheegay Beeinin Qoaraalkii Mohamed Hassan Mataan, waliba uu ku soo gaba gabeeye in uu ku tilmaamo Mohamed Afmiishaariinta aan suraalka xidhneyn, Waa yaab, waxa mar qudha damiirkaygu ka damqaday, ina xasuusiyey  in aan wax ka sheego dhacdoooyinkii lama ilaawanka ahaa ee M.H.MATAN iyo Saaxiibadii ay la soo qeybsadem bulshada R/Awdal.

Waxaan u sheegi MR. YAABARG in uu Mohamed ka mid ahaan dadkii aan dibad u cararin maalintii dhibaato, waxaan xasuusin in uu ka mid ahaa TODABADII  Xubnood ee hirgaliyey Shirkii taariikhiga  ee ka dhacay Boorama  Jan Ilaa May/93 isaga iyo saaxbadii 1. Ismaciil Muumin Aar, Caydiid H.Daahi C/rahman Jimcale C/dheere, C/Wahaab jaamac Muuxumad,  Miicaad iyo Marxuum  MohamedAboor oo Geeriyooday Alaha u naxiistee, waliba uu Isaga iyo C/Wahaab Jaamac ay lixda subaxnimo KISHADA taagnaan jireen si ay odayaasha Quraaca u siiyaan lixdaasi bilood.

Waxaan xasuusanahay in uu ka mid ahaa ama kuwa ugu mudan ahaa hawl-galadii lagu hirgaliyey dhammaan horumarka uu Yaabarg sheegayo, kuwaasi oo ay bilaabeen maalintii la soo dhisay Dawladii Marxum Cigaal iyo A/rahman Aw Cali, ka dib May/1993 NGO yadii ka hana qaaday Gobolka  sida GUUS, SOSVO uu Mohamed xubin firfircoon ka ahaa, ARDO iyo qaar kale oo badan oo ah kuwa saldhiga u ahaa dhamaan horumarka Waxbarsho iyo Caafimaad ee maanta ka jira G/Awdal.

Waxaan aad  u xasuustaa Maalintii la bilaabayey dayartirka 4tii qol ee Jaamacad Camuud laga bilaabay, waxa bilaabay Ragaasi uu M.HMataan ka mid ahaa, waxa aan marnaba ilaaweyn, Odyaashii aan ka xasuusto Marxuum Jaamac Muxumad, Haaji  Daahir Aw Cilmi, Haaji Ahmed Miisaan, Xildhibaan Cabdi Gaagaale iyo raga ay ka mid ahaayeen M. H. Mataan iyo Caydiid H,Daahir oo la socday iyaga oo sita Kiish Qaadhaan loogu ururinayey Dayactirka 4ta Fasal ee Jaamacadu ka bilaabantay kuna wareegayey Bakhaarad iyo Bacad-laha Boorama sida Qarafada oo qol kasta is hortaageyey lahaan ku soo rida waa Qaadhaankii Dayactirka Jaamacad Jamuud bilowgeediiye.

Waxaa ogahay in uu Muwaadinkaasi taariikh aan la qarin Karin ku leeyahay Bulshada Awdal iyo S/landba iyo waxtar muuqda, maanta uu ku nool yahay Londan waa shakhsiyaad yare een sannad ka maqnaan Bulshada, Waxa ugu Danbaysay Diiwaangalintii oo qofkii Boorama joogay uu ogyahay waxa uu ka qabtay iyo shan iyo tobankii cisho ee danbe in uuna habeen iyo maalin ka fadhiisan sidii loo suura galin lahaa diiwaan galinta ugu badan.

YAABARAG MAXAAN KU BARTAY, HALKEENSE KU BARTAY?

Waxa aan ku bartay maqaalada sida joogtada ah ugu qoro Websatska, waxa  uu Isaga iyo ninka Reer Hargeysa ee Mahamaed Xaashi Cilmi caan ku yihiin in ay soo qoraan in M/weynaha S/land qaato mushahar ka badan  ( Shan boqol oo kun oo Dolar $ 500.000= bishiiba ).

Waxaan Yaabarg u sheegi kuwa aad sheegyso ee waxtarka soo sameeyey Sida Iqra, Amoud Foundition iyo kuwa badan oo la mida waa rag qiima leh taariikhadana ku qoran Ilaahayna ha ka Abaal mariyo waxtarka muuqda ee ay manta Umada R/Awdal ku tareen, waxase ah aan wax la qaadin Karin ah, damiirkuna diidayo in aad dafirto ragii kuwaasi hortood, tobankiisano ee xabad iyo halaag ahee Umada wax la qeybsaday la soo maray durufihii adkaa hirgaliyeyna waxqabadkaas,  sida Dawladii lagu dhisay Boorama ilaa manta shaqeynaysa, Siyaasiyiin Waxgaradkii daba taagnaa madax-dhaqameedkooda kana soo qeyb qaatay dhismaha Qaranimada Maanta la hadhsanayoo ee S/land kana soo jeeda R/Awdal.

Yabaaragow waxaan kuu cadeynayaa in uuna ninkaasi ahayn af-miishaarka aad ku sheegatay maqaalkaaga waa Shakhsi Damiiirkiisu damqado oo wadani ah, waa nin mar kasta iyo Meelkasta la sheegay in uu bixiyo qaadhaanada ugu badan marka ay DAN-GUUD noqoto sida la ii sheegay ilaa markii uu Hargeysa AUDITKA ka shaqeyn jiray adigese  war kama hayo inta aad ku leedahay waxatarka aad sheegatay  ee  Qurbo –jooga R/Awadal  umadani ku soo tareen QAADHAAN ahaan adigu taakuleyntaasi.

Maqaalkaygii waxan ku soo koobay Yaabargow xaq baad u leedahay in aad MMataan Caarido qoraalkiisa iyo ra’yigiisa waxna ka diido, laakiin maaha Milgaha Tolnimo in aan qofka wax aanu ahayn aad ku  sheegto , waxa laga yaabaa in aan adiga iyo Isagu isku DA’ ama Gedo tihiin anaguse dhalinta idinka danbaysay ayaan ka mid ahay, waxaanan odhan  ku odhan xaalkaagu wxu u muuqdaa ninkii Soomaaliyeed ee yidhi ( YAANU I XURMAYN XOOLANA I SIINE MAASHAA ALLEE NIN LIBIN KAA XISTIYEY XUMHII WAA YAAB!!! ). Waxaan kaga baxay MA GABOWDO TAARIIKHDU, MA HABOWDU TARIIKHDU MANA DHIMATO TAARIIKHDU,  NIN KASTANA TAARIIKHDIISU WAA U KEYD, DAKUNA WAA OG YIHIIN.

ILAAHAYO KHAYRKA INA WAAFAJI  -  NABADEEY

CABDI MUXUMAD ALLAALE

HARGEYSA, SOMALILND

Login