February 5, 2010

Wasiiradda Arimaha Gudaha Iyo Cadaalada Oo Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Qaybaha Bulshada Ee Gob. Sool.

Laas-caanood (Harowo) - Wafdigii wasiiradda ee mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Sool ee Laas-caanood ayaa kulamadii gooni goonida ahaa ee ay maalmahanba la lahaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada sii wada, waxaana kulamadii u danbeeyay maanta ay la kala yeesheen wasiiradu, Ganacsatada, duqayda iyo waxgaradka kala duwan ee degaankaas. Sida wararka laga helayo magaalada Laas-caanood ay ku waramayaan, wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) ayaa isagu kulan aad u balaadhan la yeeshay ganacsatada…

noocyadeeda kala duwan ee magaalada Laas-caanood iyo gobolka Intiisa kale, waxaanu wasiirku kala hadlay nabad galyada iyo horumarka gobolka sida ay ganacsato ahaan uga qayb qaadan karaan.

Wasiirku waxa uu si mug leh uga waramay ganacsiga iyo sida uu wax tarka ugu yahay bulshada, waxa kale oo uu tilmaamay sida ganacsatadu dawlada iyo shicibkaba masuul uga saaran yahay inay la shaqeeyaan in si la mid ah iyagana looga baahan yahay inay waajibaadkooda wadaninimo gutaan, oo dalkooda iyo dadkooda wax taraan.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Mr. Ciro waxa uu ganacsatada aad ugu adkeeyay bixinta cashuuraha oo uu sheegay in lagu horumarinayo gobolkooda iyo guud ahaan dalka, isla markaana ay cashuuruhu yihiin waxa kaliya ee dawladu ku sugto amaanka dalka cid kale oo gacan siisaana aanay jirin Somaliland.

Xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Sool oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa ka mahadnaqay kulankan iyo sida ay dawladu isaga xil saartay inay tashi kala samayso horumarka iyo amaanka gobolka waxaanay balan qaadeen in wixii dhinacooda ku xidhan ay diyaar la yihiin.

Geesta kale Wasiirka Cadaaladda Somaliland Md. Axmed Xassan Cali (Casoowe) ayaa isna kulan aad u balaadhan la yeeshay maanta Duqayda, waxgaradka iyo hogaamiye dhaqameedyada gobolka Sool, kulankaas oo lagu naaqishay arimo kala duwan oo nabadgalyada iyo horumarka gobolka ku tacaluqa.

Wasiirka cadaalada Somaliland Md. Casoowe waxa uu duqayda iyo wax-garadka gobolka Sool uga waramay nabadgalyada iyo ahmiyada ay leedahay iyo waliba sida xukuumada Somaliland ay uga go’an tahay inay amaanka qof kasta oo muwaadin ah sugto, waxa kale oo uu aad ugu booriyay waxgaradka gobolka Sool inay xil iska saaraan sidii cadaalada loo hor keeni lahaa dadka wada fowdada iyo xaalad abuurka ee gobolkooda qaska galinaya.

Xubno ka mid ah wax-garadka iyo duqayda reer Sool oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa dhinacooda balan qaaday inay wada shaqaynta dawlada iyo sidii amaanka loo sugi lahaa ahmiyad wayn iska saari doonaan, cid kasta oo loo tuhmo inay dhibaato wadana soo gaadhsiin doonaan maamulka gobolka iyo laamaha amaanka, cidii lagu cadeeyana aanay u doodi dooonin.

Wafidiyada xukuumada ee ku sugan gobolka Sool oo u badan wasiiro iyo xildhibaano gobolkaas ka soo jeeda ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo bulshada qaybaheeda kala duwan ah, waxaana tan iyo intii wafdiyadaasi tageen gobolka si wayn loo dareemayay amaanka oo aad loo adkeeyay mana jiraan wax dhibaato ah oo tan iyo mudadii ay ku sugnaayeen oo todobaad gaadhaysa gobolkaa ka dhacay, marka laga reebo maalintii koowaad ee wafdigu gaadhay gobolkaas oo qarax lala beegsaday gudoomiyaha gobolka uu dhaawac ba’an u gaystay badhasaabka qof ilaaladiisa ka mid ahina ku dhintay mooye.

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland

Login