February 5, 2010
Shirka lagu qabanayo Minnesota( USA ) ee ay isugu imanayaan Qurba-joogga gobollada Awdal, Gebiley iyo Salal Waxa uu Mudan Yahay Soo Dhaweyn.
Waxa maalmahan shabakadaha ku xardhanaa, su’aalo iyo jawaabo khuseeya qabsoomidda shirkaasi. Si adagna waxa la isku dhaafsaday hadallo iyo ra’yiyo kala jeeda. Waxana lagu soo nashriyey qaar ka mid ah Shabakadaha reer Awdal ay maamulaan. Laakiin qofna kama hadlin wax la taaban karo oo cilmi ku fadhiya hadday noqon lahayd ra,yi dhex dhexaad ah amma talo. Mana xuma in qof walliba ra’yigiiisa hadlo oo uu dadkiisa u soo bandhigo. Haddiise uu ku karaamo beelayo waxa habboon in uu ka joogsado, mana geyo in loo jawaabo.
Si kasta ha ahaatee, su’aasha ahayd AYAA SHIRKAN KA DAMBEEYA ayuu ninka qoray waxa uu haddana qoraalkiisa kaga jawaabay ra’yigiisa, isaga oo u eg in uu difaacayo dawladda Soomaliland amma uu shirkani ka dhigayo mid ay ka dhex shanqadhayso Somaliweyn. Laakiinse ay taasi tahay uun dacaayad iyo war aan waxba ka jirin. Waxase fikir la taaban karo u eg in la yidhaa, waxase habboon in la tilmaamo shirka wakhtiga la cayimay iyo ololaha doorashada Soomaliland oo foodda isku haya. Taasi oo dadka siyaasadda saadaaliyaa ay ula muuqato in uu shirkani saamayn badan ku yeelan karo sumcadda iyo ololaha Musharrixiinta. Laakiin lama garanayo musharraxa uu dan u yahay. Dhanka kalena waxa ay siyaasiyiin badan oo kalena ay u arkaan in uu Shirkani shacabka dan u yahay.
Marka wakhtigan la eego siyaasadaha qabiil ee ka socda docaha amma beelaha Somaliland, ayaad arkaysaa in ay qolaba maalin shirayaan, wax shirkooda ka maanacayaana aanay jirin. Nin amma Gabadh ka mid ah oo diiddan in la shiraana aanay jirin. Waxana aan aragnaa immiga in ay socdaan shirarka beelaha Bari. Horena ay u dheceen shirar ay Beelaha dhexe dibadda iyo gudahaba ku qabsatay. Intabana waan soo dhaweyneynaa, haddii aanay u hoosayn damac qaldani. Reer Soomaliland iyo Somalida kalena way ixtiraamaan shirarkaasi, beel walliba xaq ayey u leedahay in ay danaheeda ka tashato.
Wada tashigan beelahaasi midna looma tirin in ay raadinayaan Soomaliweyn amma in ay carqalad ku noqonayaan jiritaanka Somaliland. Balse ay beel walliba doonayso in ay talo midaysan yeelato. Sidaasi daraaddeed haddii beelaha Galbeed ay yeeshaan gole ay taladooda ku soo ururiyaan isla markaana loogu soo hagaago. Taasi oo noqonaysa mid wax ka taraysa siyaasadda nabadda ku dhisan ee Soomaliland ee beeleheedu hore u guddoonsadeen. Isla markaana caawin karta baahida ay dadku u qabaan hoggaan toosan oo caddaalad ku dhisan.
Dhinaca siyaasadda waxan aamminsanahay in danta shakhsiga ahi ay ku jirto ta guud, sidaasi daraaddeedna ay habboon tahay in ta gaar la dambaysiiyo, lana hor mariyo ta guud. Iyada oo laga duulayo cimriga ay ta shakhsi leedahay iyo cimriga ay ta wakhtiga dheer jiraysaa ay leedahay. Haddii aan u soo noqdo, su’aalaha la is weydiinayo iyo sida ay ila tahay, waxa aan talo soo jeedin lahaa:
Waa ta horee, waxba kuma jabna haddii la isku tanaasulo, oo wakhitiga shirka amma ha la isku raaco in wakhtigii la ballamay la qabto amma dib ha looga dhigo. Inkastoo aanan waxba ka ogeyn maamulka arrinta gacanta ku hayaa sida uu isu waafajin karaan duruufaha ku xeeran shirka iyo wakhtiga uu qabsoomi karo ee ay farsamo ahaan ugu talo galeen.
Ta labaad waxa ila qumman in wada tashi badan laga yeesho wixii mad-madow keeni kara, oo aanay meesha soo gelin is riix-riix iyo tafaraaruq ay casabiyadi weheliso. Taasina waxa mas’uuliyaddeeda iska leh guddiga is magacowday ee hawsha faraha ku haysa….dul-qaad ayaana looga baahan yahay.
Ta saddexaad waxa aan ku talin lahaa in xidhiidhka iyo hawsha taladeeda ay gacanta ku qabtaan muddakarka bud-dhigga u ah fikradda shirka, laakiin aan lagu sii dayn uun da’yarta….kolba xiisaysa waxa ugu dambeeya amma la weec weecin karo.
Intaa haddii aan ku soo gunaanado taladaasi, aan haddana raacsado AYAA ka dambeeyey shirkan. Iyo Ujeeddada uu ku qotomo.
Shirkani waxa uu fikirkiisu jiray illaa iyo muddo fog, horena wax baan uga qoray, waana mid ka dhashay baahida jirta, looguna danaynayo guud ahaan wada noolaashaha bulshada Somaliland. Mana jirto fikir odhanaya waxa ku hoos jira Somaliweyn. Waxanan aamminsanahay shirku wax shaqo ah in aanu ku lahayn Siyaasad, Sh. Shariif mid loo xidhiidhiyana maaha. Hoggaamintiisna waxa aad uga wada tashaday aqoon yahanno la yaqaanno, oo ku nool dunida horumartay. Taladii ay fikir ahaan isla gaadheenna waxa ay u qaateen qalinka iyio warqadda, waxanay diyaariyeen istiraatiijiyaddii iyo qaabkii shirku u soconayey.
Mana jirto cid duullaan lagu yahay iyo beel ka maqan oo loo diiddan yahay. Sidaasi daraaddeed, ma qummana in laga hor dego amma laga sheego dacaayad aan meesha qaban, oo noqon karta mid sharaf jab ku keenta wada tashi ay yeeshaan beelaha Galbeed.
Ugu dambayn waxa aan ammaan mudan, dhammaanba aqoon yahannada isku hawlay in ay ka fekeraan danaha iyo talada dadkooda, iyo ururrada samafallada ah ee iyaguna u darban wax qabadka ummaddooda…sida AMOUD FOUNDATION, ARDAA , IQRA , ADA iyo qaar kaloo badna….ururradaasi oo aan ku dhiirri gelinayo in ay qayb libaax ka qaataan horumarka bulshadooda iyo dalkooda.
Ahmedweli Goth - UK
Email: shueebi@hotmail.com

