February 3, 2010
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo La Kulmay Amb. Johne Carson oo ah Assistant Secretary of State
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa la kulmay shalay Amb. Johne Carson oo ah Assistant Secretary of State iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee ka soo qayb galay Shirka African Union. Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo Iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada Nabad gelyada, Siyaasadda iyo Horumarka, Waxa kale oo si guud layskaga waraystay Xaaladda Nabad gelyada ee Gobolka . Mudane Carson waxa uu aad ugu dheeraaday sida uula dhacsan yahay horumarka ay Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada Nabad gelyada….
Siyaasadda iyo Hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay hir gelisay, waxana uu u ballan qaaday Wasiirka inuu booqasho rasmi ah ku iman doono Somaliland, waxa kale oo uu is mug leh layskula soo qaaday Arrimihii ay Wasiirka kaga wada hadleen markii uu booqashada rasmiga ah ku tegay dalka Maraykanka badhtamihii sanadkii hore ee 2009.
Dhinaca kale, isla shalay waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadu kulamo kala gadisan la yeeshay Wufuud ka soo qayb gashay Shirka AU-da oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro dawlihii English Bonones Kinnock of Holy head iyo Wefdi ka socday dalka Norway oo uu hogaaminayay Director General of Minister of Foreign Affairs of Norway iyo wefdiyo ka kala socday Dalalka Finland iyo Denmark oo ay kala hogaaminayeen Head of Department for Africa of DenmarkMette Knudsen iyo Pekka Haayisto oo ka socday Ministry of Foreign Affairs of Finland, ahna Special Envoy for Horn on Africa and Sudan.
Kulamadaa dhamaantood waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Wadamadaa, iyada oo ay dhamaantood ku dhamaadeen is afgarasho, kulankaasi waxa Wasiirka Arrimaha Dibada ku weheliyay Safiir ku xigeenka Somaliland ee Wadanka Ethiopia, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye iyo Amb sigurd Illing Independent Diplomat.








Allaa Mahad leh
Ayaanle Salaad Diiriye
Safiir ku xigeenka Safaarada Somaliland ee Ethiopia.

