February 3, 2010
Kooxda Gaashaan ee Fanaaniinta Ciidanka Qaranka Oo Wacdaro Ka Muujiyay Xuska 16aad Ee Aasaaska Ciidanka Qaranka.
Hargeysa (Harowo) - Kooxda Fanaaniinta Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan ayaa xuska 16aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka kaga qayb galay, bandhig sugaaneed farshaxanimo iyo xeel dheeri faneed ka muuqato. Bandhig Faneedka kooxda Gaashan ee dabaaldega unkidii Ciidanka Qaranka ee maanta oo ahayd Ruwaayad dadka ku baraarujinaysa, horumarka, nabad galyada, dimuqraadiyada iyo siyaabaha lagu gaadhi karo. Sidoo kale Ruwaayadan oo uu Alifay Abwaanka Wayn ee Cali Barre Xuseen, oo ah rug cadaa sugaanta iyo dhaqanka Somaliga ku xeel dheer.
Fanaaniinta Ciidanka Qaranku waxay masrax suugaaneedkooda maanta ku muujiyeen, khatarta iyo dhibaatadda ka dhalan karta, Tahriibka, Dhul Boobka, Khiyaamada, afmiishaarnimada, halka ay ka dhiiri galinaysay, tacabka iyo wax beerashada, aqoonta, wadaniyada, dimuqraadiyada iyo iskaashiga bulshadda.




