February 2, 2010
Maxamed xaashiyoow Inankaagii ‘Magan Maxamed Xaashi’ Ayaad Al-shabaab Tidhi Ku biir oo Ku Dhintay, Maantana Tiiyoo Kale Ayaad Wadaa!!
Dadka reer somaliland mid baan leeyay, dawladana mid baan leeyay maxamed xaashina midbaan leeyay. Dadka reer somaliland meelkasta oo ay joogaan midkaan leeyay wuxu yahay maanta dawladnimo iyo xoriyad ayaynu haysanaa, doolarlkii waataa aynu ku sarifanayno gidaarada hargaysa halka aynu amaan iyo nabad galyo ka gaadhnay ilaahay ayaa mahadaa iska leh alxamdu lilaahi rabil caalamiin. Inaydin nabadiinaa u dhawrtaan sida awlaadiina ayaa idinla gudboon ninkii diida nabada oo kolba ciidan yidhaa waan urursanayaa waa nin doonaya dagaal sokeeye iyo dawlada la’aan ee iska jira.
Dawladana mid baan leeyay, idinkoo ah xukumadii talada haysay amaanka dalka iyo badbaadinta shicibkana u xilsaarnayd miyay idinla quruxbadantay in maxamed xaashi aydin fursad siisaan uu kula shaqeeyo Al-shabaab oo qabta inankiisii Magan Maxamed Xaashi ee lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Ka hortagaa ka wanaagsan daawada, maanta maxamed xaashi waa nin goaansaday inuu khalkhal dalka galiyo hadh iyo habeen ayuu la hadlayaa cid somaliland kasoo horjeeda hawgu horayso Al-shabaab uu ka helo dhaqaalaha ugu badan. somaliland ictiraaf uma qalanto waa ninka yidhi sideebaa macnaheeduna yay ALSHAABEEY NASOO WEERARA, ilaa maanta aanay dawladu gacanta ugu dhigin waa suaal ? Tani haday u suurto gasho Maxamed Xaashi Barina kuwo kale ayaa waxaydoonaan ku hadlaya oo la odhanayaa lama qabankaro arintuna BEEL BEEL ayay tagaysaa waa in lagu ridaa halkii isaga iyo Gaboose ay shaaha kuwada cabeen ee mandheera.
Ninkastoow waajibaa kaa saaran
Qalinkii: Eng-Xasan Warsame Guuleed “Xusto”
Hargeisa, Somaliland.
Email: eng-xasan@live.com

