February 2, 2010
Golaha Guurtida: Diidmadii Istiqaaladii Sh. Fure, Aqbalkii Go’aanka Golaha Ee Furre, Weerarkii Cabdi Waraabe, Ee Saleebaan Gaal Iyo Isdifaacii Saleebaan.
Hargeysa (Harowo) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday, is casilaadii gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux oo maalintii daraad golaha u gudbiyay qoraal is-tiqaalad uu kaga codsanayo golaha. Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo ay ka soo xaadireen 65-mudane ayaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurtidu ka hor akhriyay mudanayaasha qoraalka Istiqaalada Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ku codsanayay, taas oo markii uu dhameeyay cod golaha loo waydiiyay inta diidan iyo inta ogol, natiijadii codkaasina noqday in dhamaan mudanaayshii golaha ka soo xaadiray diidaan in Sh. Axmed Sh. Nuux Fure is casilo, hadaba hoos ka dhegayso, hadaladii Gud. Saleebaan Maxamuud Aadan, Gud/kuxigeenka 2aad Siciid Maxamed, Gud/kuxigeenka Koowaad iyo Xaaji Cabdi Waraabe oo Saleebaan Gaal Ku Eedaynaya in Dhibaatada Golaha uu mas’uul ka yahay isagu.
Get Flash to see this player.

