February 2, 2010

Ciidanka Qaranka oo Bari u Dabaal Degi Doona Sanadguuradii 16aad Ee Aasaaskooda.

madaxweyne-rayaale-small Hargeysa (Harowo) - Ciidanka qaranka somaliland ayaa maalinta bari ee 2-da February xusi doona sanad guuradii 16aad ee ka soo wareegtay asaaskoodi. Xaflad si wayn loo soo qaban qaabiyay oo xuska maalinta ciidanka Qaranka loogu damaashaadayo ayaa lagu qaban doonaa xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranku ku leeyihiin magaalada Hargeysa. Xaflada loogu dabaal dagayo maalintii la aasaasay ciidanka Qaranka Somaliland oo sanadkii lix iyo tobnaad laga joogo, waxay ku soo beegantay sidii sanadkii ka horeeyay wakhti ciidamada qaranku sugeen dhamaan amaanka iyo difaaca xuduudaha Somaliland.

Fantasiyaha 2-da February ee aasaaska Ciidanka Qaranka waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayeele Kaahin, wasiiro, xildhibaano golayaasha qaranka ka tirsan, masuuliyiinta Xisbiyada qaranka iyo marti sharaf kale ka qayb galaan.

Munaasibadaha loo qabto maalinta aasaaska ciidanka Qaranka ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka jeediyaa khudbad u gaar ah ciidanka qaranka, maadama isagu (Madaxweynuhu) yahay Taliyaha Guud ee ciidamada, waxaana inta badan ciidamadu khudbada Madaxweynaha ka naawilaan, Mushahar kordhin iyo arimo kale oo horumarkooda ku tacaluqa.

Khudbadii sadexaad ee uu Madaxweyne Rayaale u jeediyay ciidamada qaranka ayuu xiligaa ku xusay in talaabada ciidanka qaranka u hadhsan isla markaana uu dalbanayo inay bilaabaan tahay dhismaha ciidanka cirka oo aan si buuxda u shaqayn.

Waxa kale oo Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweynihii ka horeeyay ee Marxuum Cigaal, ba marar badan ka sheegeen Munaasibadaha ciidanka in sida ugu dhakhsaha badan loo samayn doono derajadii ciidanka oo aan ilaa wali suura gal noqon.

Si kastaba ha ahaatee waxa maalinta bari ciidamada Qaranku ka dhursugayaan balan qaadka iyo waxa khudbada Madaxweynuhu ku soo kordhin doonto.

madaxweyne-rayaale

Ciidamada Qaranka ayaa lagu tiriyaa Hay’adda ugu wanaagsan uguna tayada fiican hay’adaha dawlada, taas oo xitaa xisbiyada mucaaridku marar badan fagaarayaal ka qireen in ciidamadu qaranku yihiin kuwo akhlaaq ahaan iyo tayo ahaanba u sareeya, hambalyooyin kala duwana ay wakhtiyo kala duwan Madaxda Xisbiyada Mucaaridku warbaahinta u mariyeen.

Taliyaha ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani ayaa hambalyo la xidhiidha munaasibada maalinta aasaaska ciidanka qaranka u kala diray, dhamaan saraakiisa, saraakiil xigeenada, xubnaha ciidanka qaranka iyo xaasaskooda meel kastoo ay dalka ka joogaan in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Maalinta aasaaska ciidanka qaranka oo ku beegan 2-da bisha February waxa xuskooda lagu soo bandhigaa bandhig masraxiyeed ay soo diyaariyaan, kooxda fanaaniinta ciidanka qaranka, ee Gaashaan kaas oo hab masrixiyeed ku muujiya xaalada ciidanka ee dhinacyada horumarka, wadaniyada, u adeega bulshada iyo tabashadooda intaba, waxaanu bandhig faneedkaas oo khudbadaha masuuliyiinta ciidanka iyo madaxweynaha la dhigaa si wayn u soo jiita marti sharafta kala duwan ee fantasiyaha ciidanka kala qayb gala.

ciidanka-qaranka-1

ciidanka-qaranka-2

ciidanka-qaranka-3

Harowo Desk Hargeysa, Somaliland

Login