February 2010

February 28, 2010

Bayaan: Canbaaraynta Gudoomiye Faisal Cali Waraabe ee Salaadiinta Habar Yoonis.

Tixraac waraysigii uu siiyay Gudoomiye Faisal Wargayska Haatuf, ee soo baxay 28/2/2010. Gudoomiye Faisal wuxuu ka dhawaajiyay in Xukuumado Hanti qaran ku maamulayso shirkaa beelaha HY ee Maydh.Hadaba aniga oo xogogaal u ah ajandaha shirka iyo qabanqaabadiisa, waxaan halkan ku iftiminayaa qodobada soo socda:

1. Ajandaha shirku wuxuu ku koobanyahay dib u dhiska Dekadda Maydh, hagaajinta wadada isku xidha Maydh/Ceerigabo, hagaajinta jidka isku xidha Hargeisa –Oodwayne-Burco., nabadaynta iyo iskaashiga beelaha Somaliland ee wada dega Gobolka Sanaag.Haba yaraate shirka kuma jirto ajande siyaasadeed, sida uu ku cadeeyay Suldaanka Guud ee Beelaha H.Y, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.

More

Roobab Culus Oo Ka Da’ay Burco Iyo Berbera Oo Khasaare Naf Iyo Maalba Leh Geystay.

daad-small Burco (Harowo) - Roobab laxaad leh oo maalmihi ina soo dhaafay ka da’ayay meelo ka mid ah gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco ayaa gaystay khasaare dhimasho ah, kaas oo ka dhashay daadad calculus oo roobabkaasi soo rogeen. Sida wararka laga helayo magaalada Burco ay ku waramayaan, hal qof ayaa ku dhintay daad qaaday kaas oo maydkiisana saaka aroortii hore laga helay meel toban km magaalada u jirta oo uu dadku kaga tagay.

More

Sooyaalka Taariikhda Ugaasyadii Beelaha Samaroon - Qaybtii Koowaad

Waxaan ka soo guurinay tariikhdan buuga uu qoray Sheekh Cabdulraxman Sheekh Nuur Cabdulaahi oo ahaa sheekhii alufay Far Gadabuursiga (Gadabursi script), fartaas oo aad looga yaqaano Aduun waynaha.

Kolkay taariikhdu ahayd qarnigii tobanaad ee hijriyada qabiilka Gadabuursiga waxaa ku yimid dhibaato badan oo kaga timid dagaalo fara badan oo la galeen qoomiyadihii jaarka la ahaa, ha u waynaadoo dagaaladii ay la galeen qabiilka Gaalada (Oromada).Dagaaladaa waxaa ku dhintay dad fara badan. Markay dhibtii ku badatay ayay is waydiiyeen Gadabuursigii sidii ay uga bixi lahaayeen. Markii in badan la garfaynayay arrinta dhibta waxaa la go’aansaday in la yeesho hogaan. Waxaa talo lagu gaadhay in la sameeysto nin Ugaas ah.

More

Saylac iyo Samaroonka 4-aad: Ka bixistii Masaarida iyo bilowgii gumaysigii Ingriiska iyo Faransiiska,heshiisyadii uu la galay beelaha Somaliyeed iyo halkii uu kula galay gaar ahaan beelaha Samaroon iyo Ciise.

Adduunku waa Fasal,wakhtigu waa Macalin waayo-arag ah,dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah. Mawduucan oo ah mid taxane ah oon ugu magac darnay “Saylac iyo Samaroonka”  qormadan oo ah tii 4aad waxan maanta kaga hadli doonaa ka bixistii masaarida iyo bilowgii gumaysiga ingriiska iyo faranansiiska. Ingiriisku wuxu u arkayey inay dan u tahay inuu talyaanigu bedelo ciidamadii masaarida ee xukumayey wadanka Ereteriya, laakiin wuxu kaso horjeeday in ciidamada Talyaanigu ay galaan magaalada Harar iyo xeebaha Somaliya.

More

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN: ANIGA OO KU HADLAYA MAGACA QOYDKA REER HASSAN MATAAN, MEEL KASTA OY JOOGAANBA, WAXAAN TACSI TIIRAANYA LEH U DIRAYAA QOYSKA AAN WALAALAHA NAHA EE REER HAAJI DAAHI AW CILMI MEEEL KASTA OY JOOGAANBA ANNIGA OO KATACSIYEYNAYA, GEERIDA KU TIMIDAY KHADRA HAAJI DAAHIR OO KU GEERIYOOTAY MAGAAALADA BOORAMA 28/02/10. ANNIGA OO MARXUUMADANA EEBBE UGA BARYAYA IN IN  UU JANADII FARDUUSA KA SIMO, QOYKIISII GAAR AHHA, ASAXAABTEEDIINA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO, ILAAHAYO U NAXARIISO INAAL’LAAHI WA’INAA ILAYHI RAAJICUUN.

MOHAMED HASSAN MATAN - LANDON

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Rajacuun: Anaga ookala ah dadkan magacaantoodu hoos ku qoran yihiin waxaan tacsi tiiraan ya nleh u diraynaa qoskii , qarabadii iyo asxaabtii uu ka baxay ALLa ha u naxariistii Sh Ibraahim  sh Xassan  Makalow oo ku geeriyoday 26\02\2010 dalka Ethiopia Gaar ahaan magaalada Diridhaba. dadkaasi oo kala a h:

More

Inaa lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajucuun: Waxan halkan tacsi tiiraanye leh uga diraya damaan qaraabada iyo qoyska Reer xaaji Daahir Cilmi meelkasta ooy joogaan, geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumadda Khadra xaaji Daahir. Waxanan Illahay uga baryayaa inuu janadii fadowsa eebe ka waraabiyo inaga samir yo iimaan inaga siiyo.

Dr. Halimo Ali Hussein

February 27, 2010

In The City of Memory

“In Managua, another city that suffered a terrible earthquake, people still give memory directions: take me past the square where the old oak tree used to be, then go left, at the corner where that church was. Reality is fleeting, and what seems substantial is not really so. ..We know that life is precious, and minute is valuable. But nothing can ever bring this understanding of life’s ephemeral quality home so quickly, so solidly so absolutely as the utter destruction, wrought in less than a minute’s time.” By Amy Wilentz writing on recent earthquake devastation in Port-au-Prince, Haiti.

As the news clips about recent calamity in the impoverished Haiti played out in our living rooms, I came across another different and yet very similar story to some extent. I’m referring to the recent article about Somalia entitled “Georgi Kapchits Reports on Somalia, Part II” appearing on Wardheernews in Jan 29, 2010. A unique point of insight that struck with sense of awe and despair was a picture of the luxurious al-Uruba hotel taken before and after the savage conflict.  

More

Midaynta Community Services: Hassan Kamil Abtidon Elected Midaynta President

midaynta-smallcongratswave 1992 Yonge Street, Suite 203, Toronto, Ontario, Canada M4S 1Z8 Te: 416.544.1992 - Fax: 416.440.3379 Email: info@midaynta.com  Web: midaynta.com

CONGRATULATIONS: The servant-leader is a servant first, leader second. A servant-leader serves others, and then, as the course of time happens, becomes a leader.

More

Ogaysiis Ku Socda Udub: U Diyaar Garawba Imaatinka Gudoomiye Sanwaa Cumar Yare

sanwaa-small Anigoo ah Xoghayaha Guud ee Gudida Siyaasada UDUB-Qatar kuna hadlaaya magaca Gudida Miisaaman ee Xisbiga UDUB u fadhida dalkan Qatar waxaan ku war-galinayaa dhamaan masuuliyiinta Heer Qaran ee Xisbiga UDUB kuna sugan Gobolka Saaxil iyo Caasimada Hargaysa in maanta oo taariikhdu tahay February 28, 2010 inuu nagasoo amba baxay Gudoomiye Sanwaa Cumar Yare kuna soojeeda dalkeenii hooyo ee Jamuhuriyada Somaliland.

More

Casho Sharaftii Loo Qabtay Musharaxa Ku-xigeenka Xisbiga Ucid DR. Mohamed Rashiid sh. Hassan

casuumadii-max-rashiid-small Caawa oo ay bishu  tahay 27/02/2010 ayaa dhalinyaro ka soojeeda gobolka awdal ay casho  sharaf u sameeyeen DR Mohamed Rashid Sheikh Hassan,oo ah musharaxa madaxweyne ku xigeenka  xisbiga UCID PARTY. dhalinyartan oo baahi wayn uqabtay in laga haqabtiro arimaha iyo ajandaha xisbiga ucid kaga aadan xaga siyaasada iyo dhaqaalaha gobolka. Dhalinyarta oo su-aalo dhowr ah waydiiyay Dr Rashiid ayaa runtii aad iyo aad ugu qancay jawaabihii uu ka bixiyay ajendaha Xusbiga kaga aadan gobalka Awdall.

More

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajucuun:  Anigoo ah Cabdale  Aw Farah Sigad  kuna hadlaya magacayga kan xaaskayga iyo  guud ahaan magaca reer Aw faarax sigad oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kala jooga waxan tacsi tiiraanyo leh u diryaa dhamaan qoyskii iyo qarabadii uu ka baxay marxuun Sheekh Ibraahim Xaaji Xasan, Macalowle oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee Dalka Ethiopia. Waxanan marxuumka ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabdiisiina samir iyo imaan ka siiyo. AAMIIN.

Cabdale Farax Sigad - London

February 26, 2010

Xaflad Balaadhan oo lagu Xusayo Dhalashada Nabigeeni Muxamed [NNKHA] Oo Hargeysa lagu Qabtay.

badhasaabka-iyo-xildhibaan-axmed-yaasiin Hargeysa (Harowo) - Xaflad aad u balaadhan oo lagu xusayay dhalashada Nabigeeni Muxamed [NNKHA] ayaa maalinta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay xafladaas masuuliyiin tira badan iyo dadweyne aad u tira badan. Hool si wayn loo sharaxay oo ku yaal Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa isugu yimi masuuliyiin ka kala socda golayaasha qaranka, gaar ahaan Guurtida, wakiilada iyo wasiirada, gudoomiyaha gobolka Hargeysa, masuuliyiin ka socday axsaabta qaranka, masuuliyiinta ururada bulshada, culimaa’udiin, aqoonyahano iyo dadweyne aad u tira badan, waxaana hadalo halkaa ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, hadaba hoos ka dhegayso hadaladii masuuliyiintaas iyo guud ahaan xafladii.

Get Flash to see this player.

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Culimada Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Khilaafka Diiniga ah.

wasiirka-diinta-small1 Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Maxamuud Suufi Muxumed ayaa isaga oo ka hadlaya khilaaf culimada qaarkood ka keeneen, xuska dhalashada Nabiga [NNKHA] ee mawliidka loo yaqaano, ayaa sheegay in diinta inteeda badan culimada isku waafaqsan tahay, waxa la isku seegan yahay ama khilaafku ka jiraana tahay in yar sidaa daraadeed inta badan ee la isku waafaqsan yahay ay culimadu dadka u sheegaan, halka ay inta la isku diidan yahay ee yar ku ordayaan. Hoos ka dhegayso hadaladii wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Md. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo dhamaystiran.

Get Flash to see this player.

Saylac iyo Samaronka 3aad: Mashaariicdii ay Masaaridu ka fulisay dhulkii ay gacanta ku haysay iyo sidii ay u cunaqabtaysay dekadihii iyo degaankii Gadbuursi

Adduunku waa Fasal,wakhtigu waa Macalin waayo-arag ah,dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah. Mawduucan oo ah mid taxane ah oon ugu magac darnay “Saylac iyo Samaroonka”  qormadan oo ah tii 3aad waxan maanta kaga hadli doonaa mashaariicdii ay Masaaridu ka fulisay magaalooyinkii ay gacanta ku haysay iyo sidii aanay waxba uga qaban  magaalooyinkii iyo degaankii reer Sh. Samaroon kadib markii ay ka horyimaadeen gumeysiga ciidamada masaarida.  

More

valrose1 Anagoo kala ah ehalada hoos ku qoran waxnu hambalyo aan lasoo koobi karin u diraynaa Mudane: C/raxmaan Ismaacil jibriil iyo Marwo Khadra Xasan Cumar oo meherkoodu ka dhacay Feb.25.2010 Maansor Hotel Hargeysa. Waxannu leenahay C/raxmaan iyo Khadar noqda qoyskii barwaaqo ku noolaada ubad khayr qabana kala hela. AAMIIN–AAAAAAAAAMIIN.

Hambalyada waxa diraya

1. Aabo Ismaacil jibriil Cige.

2. Hooyo Caasha. More

February 25, 2010

“NINKII HADIMO TALIYOOW ADIGAA U HALISA” Hees Maxamed W. Qaasaali

Waxaan ugu horayn salaamayaa umada walaalaha ah, ee wanaaga jecel ee reer Somaliland. Waxakaloon salaamayaa shabakadaa ka xishooda wararka abuura Naxdinta shacabka kuwaasoo ah kuwo laysla yaqaan oo umadu iminka ay go’aansatay inaanay rumaysan haday XAQA KU ADIMAAN! Waa kuwee waa kuwasoo qoray M/WEYNE KU XIGEENKEENII MUDANE AXMED YUUSUF YAASIIN AYAA GEERIYOODAY! Ilaahaybaan idinku dhaariyee muslinimo miyay tahay, mucaarid nimo miyay tahay,dadnimo miyay tahay oo wax loo dulqaato miyay tahay in Qof muslin ah oo walaalkaaya oo M/Weyne-Ku-Xigeenkii Dalka ah inaad aayar soo qorto wuu geeriyooday? Waa maxay faa’iidada ku jirtaa Been Abuurka Geeridan?

More

Maxay Diinta Islaamku Ka Qabtaa Dimuqraadiyada…..!

Democracy waa erey ka kooban laba erey oo giriig ah oo kala Demos (shacab) ah iyo kratos (xukun)ah  macnaheeduna yahay xukuumdii ku dhisnayd wixii ay shacabku doorteen ama suldadii shacbiga. Hadaba akhlaaq xumda dimuqraadiydu  waxay ka bilaabantaa labda erye ee ay ka kooban tashay, taasoo macnaheedu yahay yaan ilaahay wax la waydiisan, hadiiba ay dadku waxy caqligooda ka keenaan loo yeelayo, xitaa hadii ay doortaan in dharka layska dhugo waa halayka dhigo amase ay doortaan in aan shareecda diinta islaamka laysku maamulin waa in ay dawldu fulisaa arintaasi oo lagu tilmaami karo “makas iyo caamo dhago weyn.”

More

Xuska Dhalashada Rasuulkeenu (CSW) Waa Sunnayaasha Wanaagsane Islaamka

Xusida Mawliidka sharafta leh ee rasuulkeena Muxamad (SCW) la xuso bisha Rabiicul Awal 12 keeda, waxay ka mid tahay sunayaasha iyo raadadka wanaagsan ee ay qabtaan umada muslimiinta ah. Xadiis ayuu rasuulkeenu yidhi “cidda (qofka) u sunneeya (camal ahaan u jideeya) Islaamka sunne wanaagsan, wuxuu leeyahay qofkaas ajarkeeda iyo ajarka qof kasta oo ku camal falaba, isaga oon laga yareyneyn ajriyada dhamaan dadkii ku camal faley, qofka u sunneya Islaamka sunne xun (oo danbi keeni karta), waxa u leeyahay qokaas danbiga iyo dhamaan danbiga dadkii ku camal fala sunnaha xun ee uu jideeyay isaga oon laga yareyneyn dunuubta dhamaan dadkii ku camal faley.”

More

February 24, 2010

KULMIYE AND UCID, WHO NEEDS WHO?

It was heart warming to see Mudane Siilaanyo, KULMIYE party chair, welcome Mudane Faisal Ali Warabe, chair of UCID, upon the latter’s return to Somaliland. It was a good example of fraternal spirit and friendship. But, the question remains, who needs who at this time and at this stage in the Somaliland political arena? No doubt, KULMIYE is the larger party with a higher profile, but ever since Mudane Siilanyo’s recent damaging remarks concerning his continued belief in a “federal Somalia”, KULMIYE has been haemorrhaging support and momentum.

More

Login