January 2010

January 25, 2010

January 24, 2010

Ciidanka Qaranka Oo Ku Ruqaansaday Degaanada Tuko-raq Iyo Holhol, Shirkii Garaadadana Kala Tuuray.

ciidanka-small Laas-caanood (Harowo) - Wararka laga helayo degaanka Holhol degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa xaqiijinaya in ciidanka qaranka Somaliland saaka aroortii hore ku ruqaansadeen degaankaas, isla markaana la wareegeen guud ahaan amaanka dhulkaas. Ruqaansiga ciidanka qaranka ee deegaanka Holhol ayaa loo malaynayaa inay ka dhalatay shir qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada degaanadda Sool/Sanaag bari iyo Buuhoodle dhawaan kaga dhawaaqeen dibadda oo maanta ka furmayay degaankaas.

More

Raysal Wasaare Males Senawi oo Maalinta Bari La Filayo Inuu Booqdo Degmooyinka Lafa-Ciise Iyo Awbare

zenawi Awbare (Harowo) - Wararka laga helayo degaanka Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Males Senawi la filayo inuu maalinta bari booqdo Degaano ka tirsan Degmooyinka Awbare iyo Lafa-ciise. Raysal Wasaare Males Senawi oo ilaa shalay booqasho ku jooga deegaanka Somalida Ethiopia gaar ahaan magaaladda Caasimadda ee Jigjiga. Sida wararka laga helayo degaanadaasi ku waramayaan waxa si wayn loo adkeeyay amaanka guud ahaan deegaanka Somalida ee Kililka 5aad loo yaqaan.

More

Hadalkii Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Debedu, Somalilandna Hiil Ugu Filan, Kulmiyena Ganaax, Talo, Iyo Cashar Ugu Filan!

Hal marba waxa ilahay kaa yeedhsiiyeey Murasharax Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye waxan aaminsanaa Somaliweyn. Su’aalba kaa soo baxday, Tolay Odayga Axmed weli maa soomaaliweyn buu aaminsan yahay mise Somaliland? Run ahaantii waa su’aal xaaq logu leeyahay in laa waydiiyo musharaax kastaa oo rabaa inu Somaliland hugaamiyo,

More

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo Tacsi u diraya Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Sh.Xaamud Sh.Axmed Sidci

Innaa Lilaahi Wa Innaa ilayhi Raajicuun: Aniga oo ka tiiraanyaysan Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Sh.Xaamud Sh.Axmed Sidci oo maanta lagu Aasay Magaalada Boorama, Isla markaana ku hadlaya Magaca Shaqaalaha iyo hawlwadeenada W/Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qarabadii uu ka baxay Marxuum Sh.Xaamud Sh.Axmed waxaana leehay Samir iyo IImaan Ilaahay ha inaga siiyo marxuumkaas inaga wada baxay, Janadii Fardawsana Ilaahay ha ka waraabiyo Marxuumka, dambi dhaaf iyo maqfirana ilaahay ha siiyo… Aaaaammmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Yemen: lessons from Somalia - As the world’s attention turns momentarily to Yemen, the west must look beyond short-term aid to building lasting solutions

Next week’s “high-level” international summit on Yemen is likely to follow a pattern familiar to those who have watched countless similar conferences on the Somalia crisis in years past. High-minded dignitaries will fly into London from around the world, millions in aid will be pledged and a pre-prepared statement will be issued at the end of the deliberations saying all the right things about how important a country Yemen is and how committed the “international community” is to finding a solution to the country’s myriad of problems.

More

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB oo Soo Dhawayntii Ugu Diiranayd Shacbiga Sanaag Ku Qaabileen.

“Waxa Lagu Soo dhaweeyay Fardo iyo Boqolaal Gaadhi Magaaladda Ceerigaabo Markii Xoghayuhu Gaadhay.”   Wariye Madax banaan oo Ceerigaabo Jooga

xoghayaha-udub-small Ceerigaabo (Harowo) - Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faaax iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay galinkii danbe gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, halkaas oo si aad u balaadhan loogu soo dhaweeyay. Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa boqolaal gaadiid iyo dadweynaha reer Ceerigaabo ahii kaga hor tageen degaanka Yufle, oo 30-km, dhinaca galbeed kaga beegan magaaladda Ceerigaabo, waxa kale oo wafidga xoghayaha lagu soo dhaweeyay, fardo iyo caleemo Qoyan.

More

Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Beeniyay In Xukuumadu Dalka Ka Mamnuucday, Siilaanyo.

wasiirka-dibedda-small Hargeysa  (Harowo) - Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Md. C/laahi Maxamed Ducaale ayaa been iyo war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warar la isla dhex marayo oo sheegaya in Xukuumadu dalka ka mamnuucayso Axmed Siilaanyo, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ka dib markii uu arimo federal Somaliya lala qaato ah, taas oo uu waraysi dhawaan ku bixiyay, hadaba hadalkii wasiirka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Wasiirka Caafimaadka oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay 40-Kalkaaliyayaal Caafimaadka ah.

wasiirka-caafimaadka-small1 Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyay 40-xubnood oo dhamaystay culuunta caafimaadka gaar ahaan, kalkaaliyayaal caafimaad iyo umulisooyin isugu jira. Kooxdan oo ah, dufcadii 3aad ee ka qalin jabisa, mac’hadka tababarka caafimaadka Qaranka, waxaana xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay, ka soo qayb galay, Masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, madaxda hay’adda WHO iyo marti sharaf kala duwan, hadaba hoos ka dhegayso, hadaladii Maamulaha machadka Tababarka Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka, Dr. Adna Aadan, Madaxa WHO Ee Somaliland iyo Wasiirka Caafimaadka.

Get Flash to see this player.

Qaybta Miinadda Booliska Somaliland oo Miinooyin Iyo Waxyaabaha Qarxaha Maanta Burburiyay.

taliyaha-qaybta-miinada-booliska1Hargeysa (Harowo) - Taliyaha Qaybta Miinadda ee Ciidanka Booliska Somaliland Cumar C/laahi Qasaali ayaa faah faahin ka bixiyay dhawr iyo afartan walxood oo isugu jira, Miinooyinka Gaadiidka, qoryaha waaweyn Rasaastooda iyo walxaha qarxa oo qaybta Miinadda ee Booliska Somaliland Maanta ku Burburiyay Degaanka Haleeyo ee bariga Hargeysa. Hadaba halkan ka dhegayso Taliyaha oo faah faahin ka bixinaya waxyaabaha ay qarxinayaan, noocyadooda kala duwan, hawlaha qaybta miina saarka Boolisku qabtaan, wakhtigii la aasaasay iyo khatarta waxyaabaha qarxaa leeyihiin.

Get Flash to see this player.

Maxkamadda Gob. Hargeysa oo Xukun iyo Ganaax Ku Riday Dad Khamri Lagu Qabtay

Hargeysa (Harowo ) - Garsoore Siciid Yuusuf Cabdi oo ah Gudoomiyaha Maxkamdda Gobolka Hargeysa, ayaa sheegay in maxkamadu xukun ku riday dad lagu qabtay Khamri xukunkaas oo isugu jira xadhig iyo ganaax, isla markaana khamrigii lagu gubay maanta maxkamadda Horteeda.

Get Flash to see this player.

January 23, 2010

Wasiirka Caafimaadka oo Isbitaal Cusub (Al-Xayat) Ka Furay Magaalada Boorama

al-hayat-hospital-small Boorama (Harowo) - Wasiirka caafimaadka soomaaliland ,Cabdi Haybe ayaa Boorama ka furay isbitaal gaar ah oo kusoo biiri doonaa adeegyada caafimaadka guud ahaanba soomaaliland, gaar ahaanna  magaalada Boorama. Isbitaalkan oo ah mid gaar loo leeyahay, laguna magacaabo, Al Xayaat oo  u dhisay ururka fadhigiisu yahay dalka maraykanka ee loo yaqaan Cammuud Foundation, ayaa xafladdii furitaankiisa waxa kasoao qaybgalay Guddoomiyaha G/awdal, Maxamud Sh. C/laahi Cige, Guddoomiyaha Jaamacadda Camamuud Prof. Saleemaan Axmed Guuleed iyo k-xigeenkiisa, masuulyiinta kulliyadaha caafimaadka jaamacadaha Hargeysa iyo Cammuud, masuulyiin ururka Cammuud Foundation, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

More

January 22, 2010

Xisibiga Kulmiye Oo Magacaabay Ninkii Isku Xidhi Lahaa Donald Payne Mashruuciisa Iyo Kulmiye

cismaan-saxardiid Washinghton (Qarannews) - Xisbiga Kulmiye ayaa maalintii arbacdii ee todobaadkan magcaabay masuulkii isku xidhi lahaa arimaha siyaasada ee dhamaan xafiisyada iyo tageeryaasha uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay dhamaan caalmka oo dhan. Masuulkani magacaabsitiisa ayaa ka soo baxday kulankii ay dhawaan wada galeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu ku weheliyay xoghayahiisa arimaha dibada iyo ninka aaminsan in Somaliland la kala diro oo la baabiiyo Congressman Donald Payne.

More

Waan Idiinku Mahadnaqayaa, Hadii Aad Inta Qabyaaladda Iyo kala Qaybinta Neceb Shahaadooyin Siiseen, Xaaji Cabdi Waraabe.

“Madaxweyne Rayaale, waa nin bilaa qabyaalad ah, oo Maa’ii ah, nabad iyo Somaliland oo Gaadhay Meel aanay waligeed gaadhin, baa dhacday intii uu joogay, waan dul badan yahay, laakiin tabasho way jiri kartaa, oo aniguba markaanu isu gaar nahay waan wada hadlaynaa.”   X. Cabdi Waraabe

xaaji-cabdi-waraabe-small Hargeysa, (Harowo) - Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo loo aqoonsaday odayga Somaliland isla markaana ururka qiimaynta qaranku maanta shahaado siiyay, ayaa ka hadlay, qiimaha qaranimadu leedahay, dhibtii loo soo maray, sida ay ku wanaagsan tahay iyo qofka kursi madaxweyne u tartamaya waxa looga baahan yahay. Xaaji Cabdi Xuseen waxa uu ka waramay, sadexdii madaxweyne ee xilka isaga danbeeyay, wixii ay soo qabteen, dabeecadiihii waayeelnimo ee ay ku soo dhaqmi jireen, gaar ahaan madaxweyne Rayaale oo uu sheegay inuu yahay, nin bilaa qabyaalad ah, isla markaana dul badan, nabad galyadda ku fiican, hadaba hadalkii Xaaji Cabdi Waraabe Hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

January 21, 2010

Hoos Ka Dhegeyso Xafladdii uu Ururka Qiimaynta Qaranku Shahaadooyinka Ku Gudoonsiiyay Madaxweynaha S/land, Wasiiro, Gud. Gobol iyo Oday Cabdi Waraabe.

Get Flash to see this player.

Ururka Qiimaynta Qaranka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Madaxweynaha S/land, Wasiiro, Gud. Gobol iyo Oday Cabdi Waraabe

shahado-small Hargeysa  (Harowo) - Gudoomiyaha gudida Qiimaynta Qaranka Md. Maxamed C/laahi Ciise ayaa maanta shahaado sharafyo, masuuliyiin qaran oo ururkoodu u xushay inay hawsha qaranka u qabteen, daacadnimo iyo si wadaniyadi ku jirto. Masuuliyiinta ururkani gudoonsiiyay oo isugu jiray Madaxweynaha oo kow ka ahaa, isla markaana ururkaasi u aqoonsaday, Geesi Qaran, Wasiiro, gudoomiyayaal iyo dad ixtiraam mudan.

More

Gudida Maamulka Magaalada Cabdulqaadir ee G/Selel oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Ka Codsaday Inay Adeeyada Telephoneka Soo Gaadhsiiyaan Magaaladooda.

Boorama (Harowo) - Xubno ka tirsan madaxdhaqameedyada  Magaalada C/qaadir ee Gobolka Selel, ayaa shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliland ka dalbaday inay soo gaadhsiiyeen adeegyadooda dhinaca  isgaadhsiinta telefoonadooda, si magaaladaasi uga baxdo go’doonka ay kaga jirto caalamka iyo soomaaliland inteeda kaleba. Xubnahan oo ah guddiga maamul ee magaalada C/qaadir, oo igalasoo xidhiidhay halkaasi, ayaa codsi ay u jeediyeen shirkadaha isgaadhsiinta  ku yidhi:

More

Sadex xisbi ayaynu kala nahay nin waliba kiisa ayuu Laabta ku sitaa aniguna kala mid ayaan ahay laakiin tuurtaan ku sitaa xisbigan aan ka tirsanay ee UDUB, kii ka cadhoonayana waxaan leeyay Adeer Gafuur cadho nin ku yaaluu dhibaa

Murtida iyo xigmada warmurtiyeedkani waa mid ku salaysan qiimayn aanu ka gudi ahaan ku samaynay Doodihii foolka foolka ahaa ee masuuliyiinta xukumada iyo xisbiga UDUB ay la galeen masuuliyiin loo tuhmayay siyaasad xoogleh oo kasoo jeeday mucaaridka.  Hadaan guda galo, barigii dhawayd ee Siciid Sulub tagay Uk ayaa lays hor fadhiisiiyay ragii hormuudka siyaasada u qaabilsanaa mucaaridka waydin arkayseen doodii sidii Wasiir Siciid Sulub uu faashka xigmadaysan ula dhacay nimankii dalka dhan ku tilmaamay in la cunay oo ay shacbgii gaajo u madheen.

More

Hambalyo Hambalyo: Meherka Naasir Maxamed Bashiir iyo Faadumo Yaasiin X. Bashiir

flower-52congratulations Waxaa halkan hanbalyo uga diraya meher Arooska iyo Aroosada oo kala ah Mudane Naasir Maxamed Bashiir iyo Marwo Faadumo Yaasiin x.Bashiir oo meherkoodu ka dhacay dalka Norway magalada Oslo, Anaga oo kala ah  Maxamed Cabdi Mumin iyo xaaskiisa Idil Maxamed Bashiir iyo caruurtooda oo kala ah Ramadan Maxamed Cabdi iyo Axmed Maxamed Cabdi Waxa kale oo qoyskaasi halkan hanbalyo uga diraya dadkan magacdoodu hoos ku qoran yihiin:

Maxamuud Ismaciil khayre iyo xaaskiisa suleekha Maxamed Bashiir iyo caruutooda dhamaan  Ayaanle. cadiraxmaan.luqmaan iyo Maxamed Amiin. Dadkaas oo kala jooga Somaliland, Swedan iyo Norway waxayna leeyihiin noqda kuwii isku waara ee wiil iy caano, gabadh iyo Caano kala hela Guurkiinu guri Barwaaqo, Gurigiinu Guri Negi….Aaaamiin

Login