January 31, 2010
Wefdigii Xisbiga UDUB Oo Booqday Dekada, Madaarka, Xarumaha Biyo Soo Saarka Iyo Goobo Kale Oo Berbera ah.
Berbera (Harowo) - Waftigii Xisbiga UDUB ee todobaadyadii u danbeeyay socdaalka Ku marayay Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ee uu hogaaminayay, Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka u qaabilsan xisbiga tallada haya ee UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa soo booqday meelo ka mid ah magaaladdaa gaar ahaan goobaha adeega Bulshadda. Wafdigan oo shantii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa magaaladda Berbera, horana u soo maray Goboladda Awdal iyo Selel, ayaa ujeedadda socdaalkooda ku tilmaamay mid xogogaal u noqoshada nolosha dadka ku dhaqan dhulkaas ah, isla markaana ay xaaladda guud ugu kuur galayaan.
Md. Cismaan Hidni iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa ay shalay booqdeen Madaarka magaalada Berbera, waxaanu gudoomiyaha wafdiga Cismaan Hindi isagoo warbaahinta la hadlaya uu beeniyey warar sheegaya in socdaalkoodu salka ku hayo olole doorasho, isagoo ujeedada socdaalkooda ku macneeyay mid sannad kasta ama lixdii billoodba ay mar soo kormeeraan xaallada nololeed ee gobollada Somaliland, islamarkaana ay ku qiimeeyaan xaallada maamul”Maadaama aanu nahay xisbiga tallada haya ee lala xisaabtamo” ayuu yidhi Cismaan Hindi.
Wafdiga Xisbiga UDUB oo mudadadii Gobolka Saaxil, ay ku sugnaayeen, soo kormeeray Dekedda magaalada Berbera, Xarumaha dawladda ee wasaaraduhu ku leeyihiin Berberea, Maxjarka xoolaha iyo wakaallada biyaha, iyadoo gebii ahaanba xarumaha ay weftigani booqdeen ay warbxinno ku siiyeen masuulliyiinta goobahaas.
Weftiga Xisbiga UDUB ee uu hogaaminayo Cismaan C/laahi Hindi waxa uu ka kooban yahay, todoba xubnood, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera, ayaa sidoo kale waxay booqdeen Ceelasha biyaha ee ku yaalla deegaanka Biyo-guure, kuwaasoo oo ay sammaysay dawladdaii Soofiyadka,basle aan laga helin wakhtigan wax munaafacaada, iyadoo biyuhu iska durduraan dooxyo. sidoo kale waxay booqdeen ceelasha biyaha Berbera uga yimaada ee Faradeero iyo Degmooyinka Xagall iyo Laas-ciidle.
Si kastaba ha ahaatee wafdiga UDUB ee Gobolka Saaxil waxa uu dadweynaha ku dhaqan degaankaas u muujiyay sida xisbiga taladda hayaa ugu warwarayo xaalada nololeed ee dad iyo duunyo, isla markaa waxa duqayda iyo waxgaradka uu u noqday mid fursad u siiya inay ku soo gudbiyaan baahida dad iyo duunyo ee goboladii ay kormeerka ku soo marayeen.


Harowo Desk Hargeysa, Somaliland
