January 31, 2010

Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay In La Xisaabtanka Hay’addaha Ee sanadkani Ka Balaadhan yahay Kuwii Hore.

cali-sanyare Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka Hay’addaha caalamiga ah Md. Cali Maxamed Ibraahin (Sanyare) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay kaga waramay, la xisaabtanka Hay’addaha caalamiga ah iyo la socodka mashaariicda ay dalka ka fuliyeen. Wasiirka oo shirkiisa jaraa’id uu ku wehelinayay wasiir ku xigeenkiisa Md. Axmed Xaashi, waxa uu shirkiisa jaraa’id ku caadeeyay in La xisaabtanka Sanadkan ee Hay’adduhu sanadkan ka wayn yahay kana balaadhan yaahy sidii sanadihii hore. Si adagna loola xisaabtami doono.

Get Flash to see this player.

Login