January 31, 2010

Maxkamada Degmadda Burco Oo Qof Dhex ah u Qabatay, Gabadhyar Oo Laba Waalid Isku Haystaan.

gabadh-yar-small1 Burco (Harowo) - Gudoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco, Maxamed Jaamac Canshuur, ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay xaaladda gabadhyar oo laba waalid ku muransan yihiin, oo dacwadeedu ka socoto Maxkamadda Burco. Gabadhan yar oo ay isku haystaan laba qoys oo ka soo kala jeeda Gobolka Puntland iyo Qoomiyada Oromada ee dalka Ethiopia. Hadaba Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada oo arintaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Mudo hadeer laga joogo tobaneeyo casho kiiskan waxaanu ku haynay maxkamadda waxaa jirtay inanyar oo ay wadato gabadh Oromo ah…

oo u dhalatay Ethiopia, ayaa booliisku ii sheegay in ay isku haystaan gabadh kale oo iyana u dhalatay Putland, dabadeedtana CID da ayaa ii keentay galkaas iyagoo leh si madani ah maxkamadu ha u qaado kiiskaaas markaanu baadhnay tuuganimo waanu ka waynay una aragnay in laba hooyo isku haystaan sidaa daraadeed maxkamadu waxay u raacaysaa sidii nidaamka u yaala garsoorka dabadeedtana waxaan dhinicii mudiciga ahaa u diray inay soo furtaan dacwad ayku dacwaynayaan gabadhan markaa sadax casho ka hor ayaa lakeenay galkii dacwada,dhinicii Oromada waxaa wax laqatay.”

Garsooruhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka waramay in kooxaha xuquuqda aadamaha u doodaa ay qareen madax banaan u qabteen, hooyadii Oramada ahayd, halka qoladii reer Puntland iyaguna qareen ka qabsadeen, “Qolada xuquuqul insaanka iyo Hay’adaha lookalka sida CCBRS, waxay u qabteen qareen madaxbanaan oo la shaqeeya Human Rights,inay qarashka ka bixindoonaan iyo inbilaash wax ugu qabandoonaan anigu kala garanmaayo dhinicii kalena ee reer butland ayaguna waxay qareen u qabsadeen qareen layiraahdo Yuusuf Liibaan.”

gabadh-yar-1

Gudoomiyaha Maxkamada Degmadu waxa uu sheegay in Maxkamadu Inantii yarayd ee la isku haystay u dhiibtay cid dhex ah, labadda hooyana ka dalbatay inay halkaa ku booqdaan hadii ay u baahdaan, “Intaa kadib markey labadii qareen iswaajaheen ayaa waxay ku doodeen qoladii Putland u dhalatay,in inanta yar maadaama laysku haysto aanay dacwad kagalayn inta ay haysato gabadha dhinacakale ee oromada ahi sidaa daraadeed maxkamadu go’aansatay una aragtay cadaalad in ay kala wareegto labada dhinac inantaa yar cidii ay u aragto dhex dhexaad u dhiibto sidaa daraadeed maxkamadu waxay qaraar ku bixisay in ay ilmaha yari hayso Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Qoyska ee Gobolka Togdheer mudane Caasha Cali Qabiile,sidaa darteed iyadana wey aqbashay inay dhex u hayso qoraalna weykusiisay maxkamada.”

“Waxaa kaloo ay labada waalid maxkamadu fartay in hadii ay doonayaan in ay soo booqdaan inanta yar marka hore ay soo wargaliyaan maxkamada kadibna loogayn doono inanta yar halka ay ku sugan tahay, howshii dacwada weysocotaa welina lama gaarin xiligii dhinacyada is haya ay keeni lahaayeen cadeemahooda waxaanu u mudeenay Axada Bisha 31ee January,calaayakuxaal dacwadani waa dacwad dacwadaha kamida ee soo gala maxkamadaha kuwan oo kale hore ayeey u yimaadeen koleyba inta aan garanaayo ee aan go’aan ka gaaray laba kiis oo hore oo tan lamida tana waa tii sedaxaad, Gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay inay ku kala saaraan qeynuunada iyo sharciga u yaala Soomaaliland iyo Shareecada islaamka wabilaahi towfiikh.

gabadh-yar-3

Harowo Desk Hargeysa, Somaliland

Login