January 31, 2010
Dhulka U Nabdoon Soomaalida Oo Dedaal Ugu Jira Horumarinta Dhaqaalaha
Hargeysa (Africa News by Sarah Childress) - Soomaaliya oo dagaalo sokeeyey ay naafeeyeen, ayaa dhinaca kale ganacsatada iyo saraakiisha Somaliland ay isugu geynayaan awoodooda sidii ay u noqon lahaayeen dal hogaamiya xasiloonida gobolka. Degenaanshaha ka jira Somaliland ayaa keenay in besha caalamku bedelaan fikirkoodii hore. “Waxaan aad ugu bogay horumarka ka socda Somaliland,”ayuu yidhi Mark Bowden, xidhiidhiyaha hay’adaha qaramada midoobay. Mr. Bowden ayaa intaa raaciyey in mucaawinooyinka wakhtigan la siiyo ayaa gaadhaya sannadkii $100 million, laakiin waanu laban-laabi doona sannadka danbe.
Xukuumada Maraykanka ayaa sheegtay inay kordhin doonto mucaawinooyinkii, gaadhsiina doonto ilaa $26 million halkii ay ka ahayd $7 million ilaa sannadkii 2009. Sarkaal sare oo ka tirsanarrimaha dibedda, Johnnie Carson, ayaa dhowaan sheegay in Maraykanku qaadai doonaan talaabo kale oo ku saabsan siyaasadooda Soomaaliya, taasoo noqonaysa inay si weyn gacan uga geystaan Somaliland. “Makaykanku muddo waxay ku khasaarinayeen lacagaha cashuur-bixiyeyaasha meel la yidhaahdo Muqdisho,”ayuu yidhi, Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, oo ka shaqeyn iray ilaa muddo dhoweyd magaalada California.
Somaliland ayaa aqoonsi la’aanta haysata awgeed noqotay mid aan ka helin deymo baananka caalamiga ah, sidoo kalena aan heshii la geli karin dalalka aduunka. Beesha caalamka oo ka baqo qabtay in aqoonsiga Somaliland uu hoseedi karo khilaafaad xuduudeed oo ka bilaabma qaarada Afrika, balse, iyadoo xukuumada ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya sii dhacayso, ayaa la sheegaya in fikirkaasi isa soo bedelayo.

Xasilloonida ka jirta Somaliland waxay horsed ka noqotay in indho kale oo soo-dhoweyn ah deeq-bixiyeyaasha caalamku ku eegaan waayadan. “Waxa aan aad ula dhacsanahay waxyaabaha ka socda ama ka hirgalay Somaliland,” ayuu yidhi Mark Bowden, Xidhiidhiyaha Hawlaha Bin-aadaninimo ee Qaramada Midoobey, isaga oo tibaaxay in dhaqaalaha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ay hadd geliso geyigaas oo u dhigma ilaa US$100 malyuun uu labalaabmi karo sannadka bilanaya.
Dhinaca kale, xukuumada Somaliland ayaa diirada saartay sidii ay u soo jiidan lahayd ganacsatada Soomaalida inay helaan cashuuro jaban, shuruuc si fudud loogu samaysan karo ganacsi iyo xasilooni siyaasadeed. “Fursado badan ayaa ka jira Somalia/Somaliland; waa inaan horyaal ka noqonnaa fursadahan,”ayuu yidhi Cabdirashiid Duale oo ah maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group. Ganacsadahaa 36 jirka ah ayaa ka mid ah kuwa ganacsiyo kala duwan sida beeraha warshadaha, biyaha iyo isgaadhsiinta ka samaystay. Ducaale, oo ku dhammastary dugsigiisii sare magaalada London, ayaa ka dib ku biiray ganacsi uu qoyskoodu lahaa oo ka dib noqotay xawaalada ugu weyn Geeska Afrika, isla markaana maamula intiisa badan xawaalado gaadhaya $1.6 bilyan, oo dadka dibedaha ku maqani ay sannad walba u soo Diraan Soomaaliya iyo Somaliland.
Shirkadaa oo ahayd mid aabihii abuuray horaantii 1970-kiii, si uu u caawiyo soomaalidii ka shaqeysan jiray wadamada khaliijka inay lacagahooda dib ugu soo diraan dalkooda, ayaa haatan waxay ka shaqeysaa inka badan 144 dawladood oo ay ku jiraan gobolo badan oo Maraykanka ka mid ah.
Mr. Duale ayaa badiyaa u dhexeeya safari uu isaga gudbo magaalooyinka London, Dubai iyo Somaliland, isagoo shirkadood xafiiskeeda guud uu ku yaalo wado boodh badan oo gaadhi-dameerada iyo gawaadhidu ku tartamaan, halka dumar xijaabo midabo leh ay ku iibiyaan dukaamo qalabka guryaha.
Mr. Duale waxa uu sheegay in shirkaddu dhqaale daryeel oo gaadhaya ilaa 1 malyuun oo Dollarka Maraykanka ah ku celiso bushada si looga taakuleeyo dhinacyada ay ka midka yihiin jaamacadaha iyo caafimadka.
