January 29, 2010
Mahadnaq & Hambalyo Amoud Foundation USA

Ururka Adal Network Fund London UK, Waxan aad ugu faraxnay oo aan ku hambalyeynaynaa Ururka Amoud Foundation , USA kaalmada wax ku oolka ah ee ay ka gaysteen dhismaha iyo qalabaynta Cusbitaalka Amoud ee Gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama.
Haddii aad tihiin Amoud Foundation Waxan ka markhaati nahay kaalmada aad had iyo jeer u samaysaan dadka baahan, waxana aad maanta qaaddeen tallaabo hormood u ah Ummadda iyo qurbajoogga (World class role model initiatives). Isla markaana wax tar u ah dad badan oo baahan. Meel ay joogaanba.
Tallaabadan oo ah mid ku-dayasho mudan, ayaan ilaahay ka baryeynaa in uu qurba jooggayaga Yurubna nagu ilhaamiyo. Si aan annaguna wax uga qabanno baahiyaha ay bulshadayadu u harraadan tahay.
Mar labaad annaga oo ku hadlayna magacayaga iyo ka ururka Adal Network Fund waxan idin leenahay hambalyo & waanad korteene sii Kora oo Kobca.
