January 28, 2010

Ucid Iyo Kulmiyoow Gudiyo Fara Badan oo Aydin Magacawdaan Iyo Calamo Fara Badan Looma Baahna, ee Kalsooni Shacab Ayaa La Rabaa, Iyana Idinka Dheer!

Horta nin walba qumanihiisaa qoorta u sudhane waxaanu la yaabnay gudidan uu ku mada go’ay xisbigii Kulmiye waxaanu tiro ku hanyaa 9 Gudi oo ay ugu dambaysay Gudi Fulineedan Cusub ee Kulmiye u magacaabay gobolka Maroodijeex. Waxaanu la siiyaabnay hawsha gudidani ay qabanayso oo ah inay sii ogaadaan Codadka Dadka ay ku leeyihiin! Sababtaanu ula yaabnay waxay tahay: wax Ilaahay ku maqan lama ogaan karo codka dadku ay kusiinayaan waa wax ku xidhan ikhtiyaarka qofka for 100% markaa hadaad tidhaa waan sii tirinayaa waad ku suufiyoobaysaan adeero ee wax kale u dira bal gudiyadan iska soo daba dhacaya.

Hadaan ka hadlo doorashada iyo u diyaar garowgeeda, dee heshiis ayaynu galnay waliba saaxiibadeena beesha caalamku inala og yihiin oo ay garab joogaan fulinteeda. Heshiiskii kala badh ayaynu fulinay oo waynagii Gudidii Doorashooyinka ee hore badalnay, waynagii Interpeace dib u hawlgalinay, waynaga hawlagalinay Hay’ad kale oo la yidhaa Electoral Reform Inernational Services (ERIS) oo iyana inaga caawinaysa kala shaandhaynta Serverka, markaa waa sharaf in loo hogaansamo fulinta heshiiska inta hadhay ilayn badhna qaadanmayno badhna ka tagimaynee.

Waxaydin ka hadasheen hadaladii wasiirada, horta bini aadmigu wuu is maan dhaafaa waana kala baydhaa mar marka qaar, oo horaa loo yidhi maan rag waa mudacyo afkood wax laga sheego dad iskaga kaa dhaw oo isku dawlad kasoo jeeda kuuma noqonayaan guul kuusoo hoyatay oo waa Wasiiro isku Ul iyo Diirkeeda. Waxa caado idiin noqotay inaydin Dawaarleyaashii magaalada Hargaysa ku dawakhisaan Calamadiina hadaa tihiin Kulmiye iyo Ucid oo aydin soo toshaan ugu yaraan 2000 oo Calan.

Hadaan idinla taliyo waa laysku leeyee, waxaydin u baahantiina maaha Maryo aydin toshaane waa kalsoonidii dadka oo idinka gashay Mugdi iyo Madow. Waxaan sidaa u leeyay wadanka waxaanu ula xidhiidhnaa si joogta ah, markaanu nidhaa dadku siday u arkaan qabsoomida doorashada waxa naloo sheegay dadkuba inay salka dhulka ku hayaan oo ay doonayaan in si miyir qabta wax loogu sheego, laakiin idinku buuqa samaysanaysaan sidaa darteed ku dadaala inaynu horta dadka ka dhaadhicino in la galayo doorasho iyo inaydin tustaan qabyaalad iyo xisbimo, nabad jacayl waxyaabahaas ayaa laydiinka baahanyahay.

Gudiyadan farabadana bal iska yareeya ilayn kuwii horaa hamaansanaya oo waxay qabtaan garanwaayee. Qormada dambe waxaanu idiin sheegi Xaqiiqada doorashada iyo qabsoomideeda SALAAMU CALAYKUM.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA

SIYAASADA XISBIGA UDUB  -  QATAR.

E-Mail: muwadin01@hotmail.com

Login