January 27, 2010

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Wafdiyada Xisbiga Udub ee Gobolada Saaxil Iyo Sanaag.

Ceeri-gaabo (Harowo) - Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo maalmihii u danbeeyay isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa booqasho shaqo, ku gaala baxayeen, gobolka Sanaag ayaa maalintii isniintii dib ugu soo laabtay magaaladda Ceerigaabo, ee xarunta Gobolka Sanaag, ka dib markii ay soo dhamaysteen booqasho ay ku tageen magaaladda Maydh. Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo si diiran loogu soo dhaweeyay dhamaan degaanadda gobolka Sanaag, ayaa si aad u diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Maydh, halkaas oo uu kulan balaadhan kula yeeshay, duqayda iyo dadweynaha reer Maydh.

Intii uu xoghayuhu ku sugnaa magaaladda Maydh waxa uu dad isu soo baxay oo uu la hadlay u sheegay in safarkiisu yahay mid uu xogogaal ugu noqonayo xaalada guud ee dadka, balse aanu ahayn mid siyaasadeed iyo olole xisbig, taas oo aan wali bilaabmin, komishankuna wali ogolaan ayuu yidhi Md. Jaamac Yaasiin Faarax.

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB waxa uu ugu danbayntii dadka reer Maydh uga mahadnaqay sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen, intaa ka dib waxa xoghayaha iyo wafdigiisu ku soo laabteen magaaladda Ceerigaabo, halkaas oo qado sharaf loogu sameeyay, Buurta Daalo, ayna ka soo qayb galeen maamulka gobolka Sanaag, Maamulka Degmada Ceerigaabo, gaar ahaan Maayerka iyo Gudoomiyaha Gobolka, waxa kale oo iyaguna si wayn uga soo qayb galay duqayda dhaqanka iyo waxgaradka Reer Ceerigaabo.

Geesta Kale wafdigii uu hogaaminayay gudoomiyaha kaanbaynka ee xisbiga UDUB Mr. Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo iyaguna ku sugan magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa maanta booqday xarumaha dawladda, dekada way nee magaaladda Berbera iyo macjarka xoolaha, halkaas oo dhamaantood si diiran loogu soo wada dhaweeyay.

Dhamaan masuuliyiinta kala Duwan ee xisbiga UDUB waxa ay sheegeen in safarkoodu yahay mid ay xaaladda guud ee dad iyo duunyo xogogaal ugu noqonayaan, balse aanu ahayn mid olole siyaasadeed xambaarsan, gudoomiyaha kaanbaynka ee xisbiga UDUB waxa uu sheegay in isaga iyo wafdigiisu soo mareen goboladda Gabilay, Awdal iyo Selel, dhamaantoodna u kuur galeen xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo, abaaro ba’ana ku soo arkeen degaanadda xeebta ee goboladda Selel iyo Awdal.

Cismaan Hindi iyo wafdigiisa oo dhamaan gobolada uu maray si diiran loogu soo dhaweeyay waxa ay booqdeen dhamaan goobaha adeega bulshada iyo laamaha dawladda, halkaas oo ay meel walba warbixin kaga dhegaysanayeen masuuliyiinta xisbiga ee degaamaddaas iyo dadweynaha ku dhaqan goobahaas.

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.

Login