January 27, 2010
Inaa Li Laahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun: Bahda Shabakadda Harowo.com Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh u Dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Saxaafada Somaliland, Geeridii naxdinta lahayd ee Caawa ku timid Marxuum Xariir Faarax Ducaale. Dhamaan Bahda Shabakada Wararka Ee Harowo.com waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Bahwaynta Saxaafadda Somaliland Geeridii ku timiday Marxuum Xariir Faarax Ducaale, oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) iyo tifaftiraha wargeyska Almis, oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa. waxaan Marxuumka Alle uga Baryaynaa inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Qoyskii iyo Suxufiyiinta Reer Somaliland oo dhana Samir iyo Iimaan Ka Siiyo.
