January 26, 2010

Wasaaradda Qorshaynta oo Beenisay War Ku Soo Baxay Haatuf, Kuna Saabsan Hayada Caalamiga ah ee ILO

Annagoo tixraacayna maqaal ku soo baxay wergeyska Haatuf cinwaankiisuna ahaa” Hayadda ILO ee Qaramada Midoobay oo dalka ka laalaabatay iyo Xukuumadda oo afka ka xidhatay” Waxa aanu halkan ku saxaynaa in aan arrintu sidaas wergeysku u dhigay ahayn isla markaana aan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Isuduwidda iyo Xidhiidhka Hayadaha Caalamiga ah aan waxba laga weydiin.

Sidaas Awgeed, waxa lama huraan noqotay inaan halkan ku iftiimino in Hayadda ILO ee Qaramada Midoobay dalka ka shaqaynaysay ilaa sanadkii 2000kii iyadoo soo qabatay mashaariic wax ku ool ah oo dalka wax-tar u leh sida shaqo abuurista, ka gargaaridda Xukuumadda waddooyinka carro tuulka ah ee isku xidha magaalooyinka iyo tuulooyinka, Maktabad (Resource Centre),  iwm.

Haddaba, Hayadda ILO waxa ay ku shaqaysaa hab mashaariiceed oo ah in ay hadba fuliyaan mashaariicda ay maalgelinta u hayaan, sidaas darteed waxa hadda dhammaaday mashaariicdii ay maalgelinta u hayeen ee ay ka wadeen Somaliland, waxana ay si ku meel gaadh ah u xidheen xafiiskooda ilaa inta ay u soo helayaan maalgelin kale oo ay mashaariic kaga fuliyaan Somaliland.

Waxa warbaahinta lagu xusay in Ha’yaddu dalka uga baxday sabobo nabadgelyo awgeed. Hayadihii kale ee Qaramada Midoobay way ka hawlgalaan dalka, waxanay ku wadashaqeeyaan nidaam mideysan. Markaa arrin caqliga gasha maaha in Hayadda ILOdu qaadato mawqif u gaar ah oo ku saabsan Nabadgelyada.  Qoraal bay Wasaaraduu u qortay ILO, waxanay ku talo jirtaa in xarunta gobolka ee ILOda booqato si arrinta ugula soo hadasho.

Wasaaraddu waxa ay uga mahad celinaysaa Hayadda ILO mashaariicdii ay dalka ka fulisay intii ay ka shaqaynaysay Somaliland isla markaana u rajaynaysaa in dalka dib uga bilaabi doonaan mashaariicdii ay ka wadeen  sida ugu dhakhsaha badan ee awoodda dhaqaale u saamaxdo.

Allaa Mahad leh

Mr. Axmed Xaashi Cabdi

Wasiir ku-xigeenka

Login