January 26, 2010

uskii 12aad ee Maalinta Xoolo Dhaqatada Itoobiya oo Jigjiga Si Qurux Badan Looga Xusay

jigjiga-small Jigjiga (SRSINFO) - Waxaa maanta si qurux badan magaalada Jigjiga looga xusay Xuska 12aad ee Maalinta Xoolo Dhaqatada Itoobiya. Xuskan oo ay ka soo qayb galeen madaxda ugu saraysa dalka oo uu hor kacayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Males Zenawi, Madaxwaynaha dalka Itoobiya Mudane Girma Wolde Giorghis. waxaa ka mid ahaa Ku xigeeenka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Addisu Lagese, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka Dr Shiferaw, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Abay Sahaye, iyo madax-waynayaasha sagaalka Dawlad Degaan ee Itoobiya, Wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Itoobiya & safiiro dalalka Dibada u fadhiya Itoobiya.

Xuskan oo uu furay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa’uud Maxamed Cali waxaa uu ka waramay sida xukuumada haatan ka jirta Degaanka Soomaalida ee uu hogaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida uu ugu han wayn yahay inuu isbadal la taaban karo ka sameeyo wanaajinta qaab nololeedka xoolo dhaqatada degaanka ku nool.

Waxaa kale oo Madaxwaynuhu ka waramay isbadalka horumarineed ee haatan laga sameeyay daboolida ama haqab tirka baahida adeegeed ee shacabka xoolo dhaqatadu u baahan yihiin. Waxaa uu madaxwaynuhu sheegay in isku celcelis ay 70% dabooleen baahida ay shacabku u qabeen marka la isku wada daro baahida adeegyada aasaasiga ah ee ay ka mid ka yihiin caafimaadka, waxbarashada, beeraha & biyaha.

Inta ay xafladu socotay waxaa bandhigyo ciyaaro kala duwan ah soo bandhigayay kooxaha fanka & ciyaaraha ee ka jira Dawlad Degaanka Soomaalida oo tiradoodu ka badan tahay 20 kooxood. Waxaa kale oo iyaguna ciyaaro dhaqameed soo bandhigay kooxaha ciyaaro oo ka kala socday Degaamada Canfarta, Orromada, Shucuubta Koonfureed & Gambela

Sidaas oo kale ayaa caruurta & dhalinyarada magaalada Jigjiga ayaa iyaguna waxay goobtii xuska ku soo bandhigeen mahrajaan sawiro oo ay marba ku muujinayeen qoraalo iyo sawiro dadka aad uga yaabiyay. Kooxaha da’yarta ee circuska ayaa iyaguna waxay garoonka badhtankiisa ku sameenayeen shagaaro & xardhin hadba ku qorayaan qoraalo & halku dhigyo muujinya xuska xoolo-dhaqatada.

Intii uu barnaamijku socday waxaa daawadayaasha si joogto ah loo soo hor marinayay xoolo ay dhabarkooda ku qoran yihiin halkudhigyo ay xoolo-dhaqatada ku muujinayaan baahida ay u qabaan daryeelka xanaanada xoolaha iyo sidii xoolaha loogu samayn lahaa suuqyo ganacsi oo ay dibada ugu dhoofsadaan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Males Zenawi oo ka hadlay madashaa ayaa aad ugu mahad celiyay guud ahaan Degaanka Soomaalida gaar ahaan guddigii soo qaban qaabiyay bandhiga xuska maalinta xoolo-dhaqatada. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in horumar aad u balaadhan uu ka jiro bulshada xoolo-dhaqatada ah. Wuxuu xusay sida horumarka baaxada leh uu ugu dhex faafay bulshada xoolo-dhaqatada.

Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay Wasiirka Arrimaha Federaalka Dr Shiferaw Tekle Mariam oo isna sheegay in isbadalka xoolo-dhaqatada laga garan karo dedaalka ay sameeyeen Degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale, waxaa ra”iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Malez Zenawi uu abaal marin gudoonsiiyay in ka badan 200 oo qof oo xoolo dhaqato ah oo laga kala keenay dhamaan degaanada xoolo-dhaqatada ah ee kala ah Degaanka Soomaalida, Canfarta, Orromada, & Shucuubta Koonfureed.

Inkastoo uu wali socdo xuskii & damaashaadkii maalinta xoolo-dhaqatada, waxaa galinka danbe ee maanta dadka isugu yimid oo tiradoodu ka badan tahay 3,000 oo qof lagu madadaalinayaa heeso live ah oo ay soo bandhigayaan fanaaniin aad u badan oo laga kala keenay dhamaan Itoobiya oo aad caan u ah oo ay ka mid yihiin Fanaanada Amalmaal Abaate, fanaaka Goosaaye iyo qaar kaloo badan.

jigjiga-1

jigjiga-2

jigjiga-3

jigjiga-4

jigjiga-5

jigjiga-6

Wariye Cali Barkhad Cumar

ETV Somali service

Adis Ababa Ethiopia

Login