January 26, 2010

Afhayeenka UDUB Cali Guray, Oo Ku Tilmaamay, Eedaha Mucaaridka Ee Xukuumadu Inay Dhigto Hubkii La Qabtay, Mid Lagu Fakinayo, Cadowga.

“Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay In Xukumada ay wada shaqayn ka yeeshaan arimaha nabad galyada hadana, Xisbigiisaa kuwii dalka Qarxinayay, eeda ka duwaya,”   Muj.  Cali Guray

cali-guray Hargeysa (Harowo) - Afhayeenka Xisbiga UDUB Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Qaranka kaga hadlay nabad-galyada, khilaafka guurtidda, komishanka iyo eedaha xisbiga Kulmiye gaar ahaan dhinaca amaanka. Muj: Cali Guray, waxa arin lala yaabo uu ku tilmaamay, eedaynta xisbiyada Mucaaridka ee in xukuumadu ka danbayso hubkii la qabtay, waxaanu dadka hadaladaasi ka soo yeedhayaan ku tilmaamay, kuwo cadow Somaliland qarxinaya eeda ka maydhaya, waxa ay ka faa’iidayaana aanu isagu garanayn. Hadaba Cali Guray oo ka hadlaya arimahaas hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Login