January 24, 2010
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB oo Soo Dhawayntii Ugu Diiranayd Shacbiga Sanaag Ku Qaabileen.
“Waxa Lagu Soo dhaweeyay Fardo iyo Boqolaal Gaadhi Magaaladda Ceerigaabo Markii Xoghayuhu Gaadhay.” Wariye Madax banaan oo Ceerigaabo Jooga
Ceerigaabo (Harowo) - Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faaax iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay galinkii danbe gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, halkaas oo si aad u balaadhan loogu soo dhaweeyay. Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa boqolaal gaadiid iyo dadweynaha reer Ceerigaabo ahii kaga hor tageen degaanka Yufle, oo 30-km, dhinaca galbeed kaga beegan magaaladda Ceerigaabo, waxa kale oo wafidga xoghayaha lagu soo dhaweeyay, fardo iyo caleemo Qoyan.
Xoghayaha iyo Wafdigiisa oo habeennimadii hore seexday magaalada Yufle waxa soo galbiyay, xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha Xisbiga UDUB gobolka Sanaag, Md. Cali Ismaaciiil Barre iyo madax-dhaqameedyo isugu jira Boqor, Suldaan , Cuqaal iyo guurti, ka dibna waxa jidadka dhinacyadiisa iyaguna caleemo qoyan ku soo dhaweeyay, dadweyne aad u tira badan.
Markii Xoghayaha iyo wafidigiisu gaadheen Xarunta Xisbiga UDUB Ee Gobolka Sanaag ayaa Mr. Jaamac Yaasiin Faarax waxa uu si wayn uga mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Ceerigaabo, waxaanu ku tilmaamay mid taariikhi ah, oo maskaxdiisa ku sawirnaan doonta inta noloshiisa ka hadhay.
Hadalkii koobnaa ee Xoghayaha guud dadweynaha u jeediyayna waxaa ka mid ahaa, “Aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhowaynta wanaagsan aad magaaladan quruxda badan ee Ceerigaabo noogu samayseen, waana caaasimadda ugu horraysa ee gobollada bari ee socdaalka aan ku marayo ugu horraysa, annaguna xilligan uma soconno ololayn (campaign) doorasho waayo taas waqtigeediiba lama gaadhin oo weli komishanka qaranka ayaa laga sugayaa in ay cayimaan, haseyeeshee socdaalkayagu waa mid ku salaysan kormeerka iyo dhismayaasha arrimaha xisbiga iyo hawliihiisa kala duwan, taas ayaan leeyahay yaan si kale loo qaadan”.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB mar uu ka hadlayay socdaalkiisa ayuu ku macneeyay in aanu ahayn mid olole oo xisbigu wado, balse uu yahay mid uu ugu kuur galayo xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo ee gobolkaas.
Maayorka Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur, oo xoghayaha iyo wafdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyay Magaaladda Ceerigaabo, ayaa sheegay in si kalgacal iyo xushmadi ku dheehan tahay ay ugu soo dhawaynayaan xoghayaha iyo wafdigiisa guud ahaan gobolka iyo magaaladda xarunta u ah.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB waa socdaalkiisi koowaad ee uu ku tago Gobolka Sanaag tan iyo intii xilkaa loo doortay, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la yeesho, masuuliyiin iyo madaxda xisbiga iyo waliba hogaamiyayaasha dhaqanka ee deegaankaas.
Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay meelaha uu Xisbiga Talada haya ee UDUB uu ku leeyahay shacbiyada ugu badan, sidaa daraadeed waxa laga yaaba inuu xoghayuhu ku soo qaato wakhti aan todobaad ka yarayn.


Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo.com, Hargeysa/ Somaliland.
Email: daralla066@yahoo.com
