January 23, 2010
Wasiirka Caafimaadka oo Isbitaal Cusub (Al-Xayat) Ka Furay Magaalada Boorama
Boorama (Harowo) - Wasiirka caafimaadka soomaaliland ,Cabdi Haybe ayaa Boorama ka furay isbitaal gaar ah oo kusoo biiri doonaa adeegyada caafimaadka guud ahaanba soomaaliland, gaar ahaanna magaalada Boorama. Isbitaalkan oo ah mid gaar loo leeyahay, laguna magacaabo, Al Xayaat oo u dhisay ururka fadhigiisu yahay dalka maraykanka ee loo yaqaan Cammuud Foundation, ayaa xafladdii furitaankiisa waxa kasoao qaybgalay Guddoomiyaha G/awdal, Maxamud Sh. C/laahi Cige, Guddoomiyaha Jaamacadda Camamuud Prof. Saleemaan Axmed Guuleed iyo k-xigeenkiisa, masuulyiinta kulliyadaha caafimaadka jaamacadaha Hargeysa iyo Cammuud, masuulyiin ururka Cammuud Foundation, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.
Wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe, oo markii uu furay isbitaalkaasi khudbad halkaasi ka jeediyey, ayaa cid kastoo ka soo shayqasay maalgelinta iyo hirgelinta isbitaalkanba ku ammaanay waddanimada ay muujiyeen, isagoo dhinaca kale xusay faa’iidada uu u yeelan doona kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Cammuud oo u wasiirku sheegay in dhakhaatirktii ka qalinjabisay ay haatan ka shaqeeyaan isbitaalada ugu daarifeeya soomaalilanbd sida Ceerigaabo, sidaa darteedna loo baahanyahay inay reer Boorama iyo reer soomaaliland ilaashadaan qalabkiisa iyo nadaafaddiisaba.
Guddoomiyaha jaamacadda Cammuud Prof. Suleemaan Axmed Guuleed oo warbixin xaflaadda kaga hadlay ayaa ugu horreyn uururka Cammuud foundation uga mahadceliyey taageeradii badnayd iyo waxtarkii ay u geystatay aasaaska jaamacadda Cammuud oo u sheegay inay ilaa maanta ka gacan la’ayn ururkaasi, sidaad arteedna ururkaasi yahay mid barakaysan, magaca jaamacaddaasi iyto ururkaasina yihiin kuwa wadaaga barakadaasi oo haddii ururada kale magacooda Camuud ku darsan lahaayeen ay iyaguna noqon lahaayeen kuwa barakaysan, ururada kalena loo baahanyahay inay magaca cammuud ku darsadaan magacoodaasi.
Prof Saleemaan Axmed Guuleed, ayaa sidoo kale Uurrka Cammuud foundation uga mahadceliyey sharafka ay jaamacadda ku sharfeen inay isbitaalkaasi qiimaha leh furayaashiisii ku wareejiyaan, isagoo sheegay inuu wax weyn kusoo kordhin cilmiga jaamacadda iyo caafimaadka dadweynaha.”
Guddoomiyaha Gawdal maxamuud sh.C/laahin oon isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay faaiidada isbitaalkani u yeelan dalka soomaaliland ,maadaama uu ka mid yahay isbitaalada ugu casrisan ee ka dhisan geeska Afrika ,mid magacaiisa oo kale lihina uu ku yaallodalka Itoobiya ,reer soomaaliland farabadanina iskasoao daweeyeen,isagoo dhinaca kalena badhsaabka g/awdal uu ammaan usoao jeediyey coid kastoo ka qaybqaadataya hirgelintiisa loona baahanyahay in lagu fara adaygo ilaaladiisa.
Maxamuud Faarax Cigaal, kana mid ah qurbajoogga reer Awdal, isla markaana maamulaha ah Guud ee ururka Cammud foundation oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka wabixiyuey dedaalkii dheeraa ay usoo galeen dhismaha isbitaalkan, isagoo sheegay in baahida ugu weyn ee ka jirta gobolka iyo Soomaalilandba ay yihiin arrimaha caafimaadka, dadkuna anay mar walba iskasoao daweyn karin dalalka debedda.
Waxa uu Mr. Cigaal sheegay in kharashka ku baxay isbitaalkan oo aad u sarreeyaayi oo ku yimi qaadhaan aya dhammaan muslimiinta dalka maraykanka oo an kala lahayn jinsiyad, caddaan iyo madowba ay bixiyeen, xitaa kuwa an muslin ahayni ka qayb qaateen, waxana loo baahanyahay ayuu yidhi in abaalkaasi looga mahaadceliyo, isla markaana isbitaalkaasi qalabkiisa, dhismihiisa iyo adeegiisaba la ilaaliyo, tacabkii dadkaasi muslimiinta ah iyo kaayagiina an la khasaarin, isagoo sheegay in isbitaalkani tusaale u noqoqn doono sida loo daryeelo mashaariicda qiimaha leh ee lagu caawiyo ama loo sameeyo dadweynaha soomaaliland.
Munaasabaddan oo ahayd mid aad loosoo agaasimay, ayaa sidoo kale waxa khudbado kasoo jeediyey madaxdhaqmeedyo, masuulyiinta kulliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha Hargeysa iyo Boorama iyo masuulyiin dawladeed.

Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland
