January 22, 2010
Xisibiga Kulmiye Oo Magacaabay Ninkii Isku Xidhi Lahaa Donald Payne Mashruuciisa Iyo Kulmiye
Washinghton (Qarannews) - Xisbiga Kulmiye ayaa maalintii arbacdii ee todobaadkan magcaabay masuulkii isku xidhi lahaa arimaha siyaasada ee dhamaan xafiisyada iyo tageeryaasha uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay dhamaan caalmka oo dhan. Masuulkani magacaabsitiisa ayaa ka soo baxday kulankii ay dhawaan wada galeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu ku weheliyay xoghayahiisa arimaha dibada iyo ninka aaminsan in Somaliland la kala diro oo la baabiiyo Congressman Donald Payne.
Hadaba masuulkani ay hada magacaabeen xisbiga Kulmiye oo hore u ahaa raga tageersan ama garab istaagajiray kooxdii Imbigaati ee C/laahi Yusuf isla markaasina goobo badan ka sheegay in uu Somaliland ka soo hor jeedo oo uu aaminsanyahay habka fadaraalka in ay Somaliland la qaadato Somaliya inteeda kale, ninkani oo aan marnaba qarsan jirin mabda’iisa ku aadan Somaliweyn ayaa hada loo magcaabay xidhiidhiyaha mashruuca Congressman Donald Payne, iyo dhamaan xafiisyada Kuylmiye.
Masuulka Cusub mudane Cismaan Saxardiid Ninkani oo lagu magcaabo Cismaan Saxardiid waxa ay shaqadiisa ugu wayni noqon doontaa sidii loo hirgalin lahaa sidii xisbiga Kulmiye uu dalka ugu soo dabaali lahaa habka fadaraalka hadii ay ku guulaystaan doorshooyinka soo socda, waana ninka masuulka ka noqon doona miisaaniyada laga heli doono dadka ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland waana ninka isku xidhi doona tageeryaasha xisbigaasi ee gudha iyo kuwa dibada isga oo adeegsanaaya tabo badan oo ay ka danbeeyaan rag hore u cadaystay in ay yihiin cadawga Somaliland.
Hadaba qoraalkii maalintii arbacadii ee todobaadkan uu soo saaray xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Abdilaahi Omar waxa uu ahaa mid shicibka Somaliland gaar ahaan tageerayaasha kulmiye lagu marin habaabin lahaa isla markaasina looga dadi lahaa xaqiiqda dhabta ah ee ka danbaysa magacaabista ninkaasi oo la siiyay ninka labaad ee ugu awooda badan arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye.

Cismaan Saxardiid Cadaani

Qarannews - Washinghton
