January 22, 2010

Waan Idiinku Mahadnaqayaa, Hadii Aad Inta Qabyaaladda Iyo kala Qaybinta Neceb Shahaadooyin Siiseen, Xaaji Cabdi Waraabe.

“Madaxweyne Rayaale, waa nin bilaa qabyaalad ah, oo Maa’ii ah, nabad iyo Somaliland oo Gaadhay Meel aanay waligeed gaadhin, baa dhacday intii uu joogay, waan dul badan yahay, laakiin tabasho way jiri kartaa, oo aniguba markaanu isu gaar nahay waan wada hadlaynaa.”   X. Cabdi Waraabe

xaaji-cabdi-waraabe-small Hargeysa, (Harowo) - Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo loo aqoonsaday odayga Somaliland isla markaana ururka qiimaynta qaranku maanta shahaado siiyay, ayaa ka hadlay, qiimaha qaranimadu leedahay, dhibtii loo soo maray, sida ay ku wanaagsan tahay iyo qofka kursi madaxweyne u tartamaya waxa looga baahan yahay. Xaaji Cabdi Xuseen waxa uu ka waramay, sadexdii madaxweyne ee xilka isaga danbeeyay, wixii ay soo qabteen, dabeecadiihii waayeelnimo ee ay ku soo dhaqmi jireen, gaar ahaan madaxweyne Rayaale oo uu sheegay inuu yahay, nin bilaa qabyaalad ah, isla markaana dul badan, nabad galyadda ku fiican, hadaba hadalkii Xaaji Cabdi Waraabe Hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Login