January 21, 2010
Xisbiga Kulmiye oo Cadaystay Inuu Yahay Somali-Weyn
Waxaan salaamaya dhamaan war baahinta Somaliland,Waxaad mooda in dadkii Somaliland aaney kala garaneyn XUSBI iyo WADANIYAD,maanta labadaa ayaa isku qasan,inta badan ee wadanigi way og yihiin waxa uu wado xusbiga kulmiye ama xalku ku socdo,oo ah Somali weyn iyo saxariirkii. Ma lihi anigu ninka kulmiye ku jiraa wuxuu aaminsan yahay Somali weyn,ee waxaan xalkan ku cadeynaya in Gudoomiyaha kulmiye Ahmed Siranyo iyo dhor kale oomadaxdii ay aaminsan yihiin Somali weyn. Se ay shicibka qaldayaan oo aaney hore ugu cadeysan se maanta waa cadeysteen, ee taageerayaasha kulmiye iyaguna mowqif cad ha istaagan oo ha cadeeyaan iney yihiin SOMALILAND mise SOMALIWEYN.
MADAXA KULMIYE WUXUU AAMINSAN YAHAY FEDERAL
Gudoomiyaha kulmiye markii la waydiiyey arintii uu sheegey Abdilahi yusufin SNM waligeedba rabtey iney somaliland dib u soo caliso oo ay somalia ka gooyso, wuxuu ku jawaabey wax aad looga naxo oo wuxuu yidhi WALIGEYBA WAXAAN AAMINSANEYN FEDERAL EE GO’OONI ISKU TAAG MAAN AAMINSANEYN.
Waa 2 week ka hor ka dibna wuxuu u tagey ninkii MR DOLAND PAY ee Somaliland gooni isku taageeda ugu necbaa,meel walba ka lahaa Somali ma kala tagi karto, ee waa mid.
CADOWGAAGA MR.DALAND PAY SAXIIBKII WAA CADOWGAAGA.
Maanta kulmiye wuxuu qarsado Somali-weynimada ilaah baa ka shifey,kol haduu cadowgii ugu weyna Somalilan ee XILDHIBAN DOLAND PAYuu Gudoomihii kulmiye dayeerad u goostey oo uu la kulmey, markaasi ayuu sidii uu caruur la hadlayo Gudoomiye Ahmed wuxuu yidhi Xildhiban Doland Pay wuxuu inoo dhisayaa biyo, beero, iscoolo, wadooyin iyo leydh, muxuu wax inoo his jiritaankeenaba ma ogolo oo wuxuu meel dad weynuhu buuxo ka dhex yidhaa HADAANAN SOMALILAND CAGAHA SOMALIA SOO HOOS GALIN IYO SOMALIA WAA MID.
Maanta dad weynaha Somaliland waa iney is weydiiyaan,hogaanka kulmiye ma aamin san yahay jiritaanka,aqoonsiga iyo aayo talinta Somaliland.
KULMIYE OO CADEEYEY INUU CAAWIMADDA LAGA JARO SOMALILAND.
Xogeeyaha arimaha dibada ee xusbiga kulmiye MR.MAHD /LAHI OMAR wuxuu si cad ugu qory dhamaan mareegaha Somaliland in aan WARAAQO U QORI DOONO CAALAMKA IN LAGA JARO CAAWIMADDA,SIDU SHEEGEY QAAR WAABA LAGA JAREY AYUU DHIDHI. Waxaad xalkaa ka garaneysa waa fartii wasirkii arimaha dibada Somalia ee MR OOMAR uu lahaa waa in jimciyadda qurumaha ka dhaxeysaa ka jartaa Somalilnd caawimadda iyo tababerka booliska.
Waxaan u soo tagnaa Ahmed siraanyo oo leh MAAHA AFTIDA DISTOORKA IN LA QABTO,OO WALIBA DADKA SOOL IYO SANAAG LA QASBO.wey ku duuban tahay BBC si cad oo cadowtanimo ayuu u diidey aftidii distoorka ee uu suurta galiyey BIRTA SOMALILAND EE JABIN MR.C/QAADIR JIRDE.
Waxaa jira xubno waaweyn oo xusbiga kulmiye ah sida SIFIR iyo MAHD A/OOMAR iyo rag badan oo lacagta u ururin jirey oo gudida dhexe ee xusbiga kulmiye ahaa ay u tageen dowlada sheekh shariif. Wali lama hayo xusbigoo canbaareeyey ama ka saarey golihii dhexe.
Waxa uu Gudoomiyaha kulmiye Ahmed Siraanyo shirkii Burco geed dheer iyo geed gaabanba uu u fuuley inaanu ku xigeen ka dhigan C/RAHMAN LABA-TOLE sababta iyo sirta miyaad haysaa?waxaa weeye sirtu wuu og yahay haduu LABA-TOLE uu ku xigeen ka dhigto inaanu tab ka rogeen Somali-weyna aanu soo hadal qaadi karin,kolkaa waa in uu Saylici oon habayeraatee aan aaminsaneyn Somaliland waa inuu ku xigeen ka dhigtaa.
Bal is waydii mujaahidka SNM ay ku wada jireen muxuu saylici oo ay isku xidhan yihiin ilma samater uu uga doortey waa Somali-weyn ayuu siraanyo wadaa.
TALLO Waa in dowladu albaabada u xidhaa xusbiga kulmiye ama ay xukunka kulmiye qabtaan dad aaminsan jiritaanka iyo gooni isku taaga Somaliland,waxaana jirta SOMALILAND JIRITAANKEEDU WAA MUQADIS looma ogola xusbi somali-weyn inuu ka jiro dalka.
ILAHOOW KASHIF MUNAAFIQIINTA, LABA WAJIILAHA,DHANXIIRADDA IYO WAJI XUSBIGA QALBI XAMARKA LEH AMIIN>AMIIN>AMIIN
MAXAMUD CALI CAWAALE - LONDON
Email: mccawale@hotmail.com
