January 21, 2010

Siilaanyo Ha La Soo Taago Maxkamad Sharci ah, Hana Lagu Qaado Khaayin Qaran

Sida runta ah ee aynu la wada socono Qaranka Somaliland wax uu mudo labaatan sano ah (two decade) uu la soo kifaaxayey sidii uu caalamka uga heli lahaa Aqoonsi caalim ah, iyadoo Xukumadihii kala danbeeyey ee Dalka soo marey geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen raadinta aqoonsiga Somaliland, taasi oo sanadadii u danbeeyey Xukumadda hada jirta ee uu hogaaminaayo Mudane Daahir Rayaale Kaahin ay xooga saartey sidii ay caalamka uga dhaadhicin laheyd  la qadiyadda Somaliland.Iyadoo ay wafityo kala duwani si isdaba joog ah Dalka u yimaadeen kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen (Jendifraser).

Raadinta Ictiraafka Somaliland waxa caqabad wayn ku ahaa, kooxo daneysta yaal ah oo danta guud ka doorbidaayey danta gaar ahaaneed, kooxahaasi waxay aaminsan yihiin mabaadii kala duwan kuwaasi oo aynu ka tilmaami karno Federaal Soomaaliweyn, Kooxaysi iyo waxa la mid ah, inta badana waxa dhaqan u ah in ay caalamka u sheegaan warar aan xaqiiq aheyn oo ay ku hagardaameynayaa Dalka iyo in cid kasta oo is tidhaa dalkan wax ka qabta ay u sheegaan inaan dalkan wax jitaaba jirin uuna la mid yahay somaliya inteed kale.

Hadaba, waxa cad in hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, uu ka mid yahay siyaasiyiinta reer Somaliland ee aaminsan mabada  Federaalka, isagoo marar badan kaga tiraabey warbaahinta arinka fedraalka in uu yahay halka kali ah ee uu u socdo, isagoon xataa aan hore u aaminsaneen Uurukii SNM balse ay dantuuni ku khasabtey sida ku cad wareysigii uu idaacada BBCda Wakhtigii uu ka goostey Taliskii Siyaad Barre, iyadoo oo ay idaacada BBCdu  waydiisey su’aal ahed ma ku biireysaa Ururka SNM? Waxaana uu ku jawaabey (SNM WAA URUR QABIIL MANA AAMINSANI SNM, IIMANA QORSHEYSNA INAAN KU BIIRO).

Sidoo kale marar badan oo uu ka qaybgaley shirar lagu qabtey wadanka dibadiisa Axmed Siilaanyo waxa uu caalamka u bandhigey qorshihiisa federaal ama Somaliweyn, isagoo markasta caqabad ku ahaa in ay somaliland la ictiraafo ama ay socotaba, waxaan a dhacda in markasta oo ictiraafka soamliland soo dhawaado la abuuro carqalado joogto ah kuwaasi oo lagu hagardaameynaayo Nabada iyo horumaka Somaliland.

Sida aynu la socono, waxa dhawaan  Axmed siilaanyo wareysi la yeelatey idaacada VOA da isagoo ku sheegay wareysigaa  inuu federaal aaminsanaa hore hadana uu halkii taagan yahay, balse cida kali ee uu dhaafi kari laayahay ay tahay shacbiga reer Somaliland iyo xukumadda ay soo doorteen ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Ku dhawaaqida faderaalka ee wakhtigan ma odhan karnaa waxa soo dedejiyey inuu soo qadimo  Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ay tahay.

a). Isagoo u arka in ay hada tahay waktiga ku haboon ee uuga faa’ideysan karo Mabadiisa federaal, waayo waxa uu ka siifeeyey xibiga  uu hogaamiyo gudihiisa Mujaahidiintii la soo halgamey ee la dhisay xisbiga,  uuna arkaayey in ay yihiin cida ka hor iman karta mabadiisa sida (Dhagweyne, Tolwaa, Cali gurey iyo qaar kale oo badan).

b). Mida kale waxa uu kulamo xasaasi ah la yeeshay shakhsiyaadka ka soo horjeeda gooni isutaaga Somaliland kuwaasi oo u balan qaadey in ay ku garab gali doonaan hawlaha Federalaaka waxaana ka mid ahaa shakhsiyaadkaa (Md.Donald Pane) oo hada la kulmay.

Hadaba maanta shacabiga reer Somaliland, ma kula xisaabtami doonaan Siilaanyo oo ku sifoobey khaayinwadan una heelan sidii uu hirgelin lahaa Federaal.

By Maxamed Yaasiin

Hargeysa, Somaliland

Email: maxamedyasin@yahoo.com

Login