January 21, 2010
Gudida Maamulka Magaalada Cabdulqaadir ee G/Selel oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Ka Codsaday Inay Adeeyada Telephoneka Soo Gaadhsiiyaan Magaaladooda.
Boorama (Harowo) - Xubno ka tirsan madaxdhaqameedyada Magaalada C/qaadir ee Gobolka Selel, ayaa shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliland ka dalbaday inay soo gaadhsiiyeen adeegyadooda dhinaca isgaadhsiinta telefoonadooda, si magaaladaasi uga baxdo go’doonka ay kaga jirto caalamka iyo soomaaliland inteeda kaleba. Xubnahan oo ah guddiga maamul ee magaalada C/qaadir, oo igalasoo xidhiidhay halkaasi, ayaa codsi ay u jeediyeen shirkadaha isgaadhsiinta ku yidhi:
“Aannagoo ka kooban odayaasha iyo guddiga magaalada C/qaadir, waxan soomaaliland iyo dunbida inteeda kaleba kaga jirraa cidhiidhi dhinaca isgaadhsiinta ah ,annagoo ka fog magaalooyinka waaweyn ee gobolada Awdal iyo selel ama Boorama iyo Saylac, isla markaana boqollaal kiiloomitri u jirra caasimadda soomaaliland, waxan shirkadaha isgaadhsiinta, gaar ahaanna shirkadda Telsom codsanaynaa inay nasoo gaadhsiiso adeegyadeeda teleefanada ee ay meel kasta oo dalka ah taako taako u gelisay .Sida la ogyahay magaalada C/qaadir, oo waagii gumaysigii Ingriiska iyo dawladdii soomaaliyaba ahaan jirtay Sub district an waxba ka dhicin degmo, waxa ku nmool boqollaal qof oo baadiyaheeda iyo dhulka ay xukunto, kuwaasoo an wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliland iyo magaalooyinka laga xukumo magaaladan.
Haddii caafimaad darro, amnidarro iyo dhibaatooyin kaleba lasoo dersaan dadkaasi meel loogu qaayshado ma jirto, cid usoo ghurman kartaana ma jirto.
Sidaa darteed, waxan shirkadfaha isgaadhsiinta leenahay umadda ha u kala eexanina oo magaalooyinka waaweyn uun ha u shaqaynina ee caddaalad iyo waddaninimo sameeya oo dadkan ku nool dhuulbuureedkan galbeedka soomaaliland soo gaadhsiiya teleefanadiina,si idinkuna uga faaiieysataan dadkanna ad ugu faaiideysaan. wa bilaahi tawfiiq.”
Odayaasha codsiga u jeediyey shirkadaha isgaadhsiinta
Cali Aadan Sahal
Rashiid Yaasiin Yuusf
Axmed Ducaale Xasaan
Idiris Faarax Buux iyo
Xasan Cawaale Bookh
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland
