January 21, 2010

“Waxa Jiray Barigaa Xataa Waraaq Aan Qoray Oo Anigu Aan Soo Jeediyey Haddii Dalka La Xoreeyo In Qaab Faderaal Ahi Yimaado” Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horaysay qirtay in xiligii halganka SNM ee xoraynta dalka lagu jiray ee uu gudoomiyaha ka ahaa ururkii SNM ee dalka xoreeyey uu aaminsanaa nidaamka faderaalka somaliya in maamulka dalku ku salaysnaado. Guddomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo waraysi uu siiyey idaacada laanta afsomaliga ee VOA-da shalay idaacadaasi laga baahiyey isla markaana wax lagaga waydiiyey xiligii halganka SNM lagu jiray mawqifkiisa uu ka aaminsanaa nidaamka faderaalka in dalka lagu dhaqo ayaa isagu sheegay inuu wakhtigaasi ay jirtay waraaq uu si rasmiya ugu cadeeyey in dalka marka la xoreeyo Somaliland iyo Somalia oo dhan lagu xukumo nidaamka faderaalka.

Guddoomiyaha kulmiye  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo shalay galab idaacada laanta afsomaliga ee VOA-da codkiisa lagaga baahiyey isagoo ka hadlaya mabda’a faderaalka ee uu aaminsanaa xiligii uu gudoomiyaha ka ahaa ururkii SNM waxa uu yidhi:

“Anigu Ururbaan madax ka ahaa mabaad’ii buu lahaa aan ku shaqaynayey anigu se runtii waxa jiray barigaa xataa waraaq aan qoray oo anigu barigaa aan soo jeediyey hadii dalka la xoreeyo in qaab fadaraal ahi inuu yimaado oo aan qoraal qarsoodiya ahayn oo aan qoray way jirtay oo aan anigu barigaa diyaariyey.

Dalka Somalia oo dhanbaa la xoraynayey meel uu joogaba ayey ahayd Koonfur iyo Woqooyina waa laga wada shaqaynayey dagaalkana waa lagu wada jiray Jabhadihii intii ugu badnayd iyo  ummadii isku timid ayaa qaabkii loo xoreeyey Muqdisho, oo iyadoo aan lagala tashan Jabhadii ugu xooga waynayd dalka oo ahayd SNM dib uga xanaaqday oo dadkiibay kicisay, dabeeto waa tii Burco layskugu yimid ee waaba goosanay la yidhi.” Axmed Siilaanyo

Login